Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiirkiisa Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Oo Isku Khilaafey Badelka Wasaaradda iyo Adkeynta Nabedgelyadda..

Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiirkiisa Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Oo Isku Khilaafey Badelka Wasaaradda iyo Adkeynta Nabedgelyadda..

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirkiisa Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed,ayaa la sheegay in ay isku khilaafeen isku shaandhayn lagu Sameeyo Golaha Xukuumadda taas,oo ay kawada arinsadeen 24kii Sacadood ee lasoo dhaafey islamarkaana, Madaxweynuhu codsi ugu jeediyay Wasiirka in uu Wasaaradd kale ugu badelo Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Qaabilsan dhinaca Amaanka,taas oo aanu aqbalin siweyna ugu gacan seydhay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

Dad xogogal ah oo ka ag dhaw Madaxtooyada ayaa caawa fiidkii u Xaqiijiyay Shabakada HargeisaPress, Khilaafkan ayaa Sheegay in uu yahey kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo soo kala dhex galla Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa Arimaha Gudaha oo muddo dheer Saaxiibo halgan iyo Saaxiib Siyaasadeed oo Xisbiga Kulmiye dhexdiisa ah soo Wada ahaa laakiin,muddo lakala baqayay arimo ku Xidhiidhsan Waaqiciga Siyaasadeed ee ay Wakhti Xaadirkan Waajaheen taas,oo Wasiirku ku guulaysan Waayay in uu Wax ka Qabto arinta ugu Xasaasisan Wakhti Xaadirkan dhinaca Amaanka ee Colaada Dagaalka Labada Beelood ee Biciide iyo Sacad Yoonis,oo inta badan Gardaradda iyo Dhibaataddu ay ka timid Beeshiisa(Biciide-Habarjeclo) laakiin aanu Marnaba mudadii uu Xilkan hayay Talaabo ku haboon ka qaadin,oo Dawlladnimada iyo amaanka Somalilandna Waajib ku ah gaar ahaan Shaqadiisa Wasiirka.

Salaanmedia/Hargaysa

Source  Hargeisa press