Onkodaw Dhac Oo Xeeshaa Dhac ( Abdi-Shotaly).

Onkodaw Dhac Oo Xeeshaa Dhac ( Abdi-Shotaly).

Odhaah ay lahaayeen xamaaliintii Dekedda Berbera, wakhti-yaddii maamulkii Af-la-haarkii Ina Bare, oo ay kaga waramayeen arimaha markaa taagnaa, iyaka oo shegaaya, in kuwa loo ashtakoo-nayaa ee miciin la bidayaa, ay yihiin Kuwa iyaku rebshedda iyo dhibaatadda wadda, ee abuuraaya xaalkii markaas Meesha yaalay, baa waxa ay sarbeeb ku odhan jireen ” Eesha kii dhigay u ashtakoo-tooy” Waxan uga socdaa ka lagu sheego wasiirka arimaha gudaha ( Waa Geenyo shaaximane” Waa ka-ka dambeeya dagaalka Ceeo-Af-Weyn, ee isagu dabka ku qabanaaya marka la bakhtiiyo’ba, isaga baa dab ku sii qabanaaya baaroolka, hadana afka boodhka soo marsanaaya, waa nin ay cuqdad iyo beel la colaw dhuuxa iyo dheecaanka dhaamisay, oo lafaha burburisay. Ma jirto wasaarad arimaha gudaha ahi iyo mid sansaan-keedda ku dhawi-toona. waa halka uu geenyo shaaximane ka soo huriyo, beledda loo tag la’yahay, kii baaba loo adeegs-anayaa, oo la leeyahay wax ka soo qabo, saw maaha markaa odhaah-dda sare ku taal ee xamaaliintu hore u tidhi? Oo aan biyo is marin, maxaa lagaga daalayaa, arinku waa cad yahaye, ee kolba wax aan jirin loogu hadoodilayaa, iyadda oo toos u muuqato, lana arko cidda xaabadda ku shidaysa colaadda Ceel-af-Weyn.

Waxa hore loo yidhi “Onkodaw dhac oo xeeshaa dhac”,  Ee geenyo shaaximani waa kaynu ogayn uun, ee ma caqli ba au soo kordhay? Mise dib baa loo soo abuuray? Bal dib isu waydiiya, oo taariikh-dda Somaliland ku noqodda intii ay jirtay, kan geenyo shaaximan iyo askariga uu u adeegaa ( Raggii ma adiga aka hadhay), waxay ahaayeen kuwii dhigay dagaalkii maryo-aloolka, ee aabaha iyo hooyadda u ahaa, ee aan cid kale loo eersanayn. Ilaa uu ka takhalusay-na Marxuumkii (Ihun) Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, isma uu taagin dagaal-kaas isaga ah ee aan sare ku sheegay, dalku maalin-taas buu degay, markii Mr Cigaal uu maamulkii debedda ka dhigay. Hadaba maanta oo ay qurba-siraad ku mehersadeen maamulkii, waa kuwaas ka bilaabay halkii ay ka qabshao barteen, ee ciilkii ku raagay soo dhigeen banaanka. waxa u daliil ah, Geenyo shaaximani mudo laba wiig ah horteed, isaga oo wata wax uu wefti ku sheego, waa kii Burco tegay, markii ay soo baxday in ay labadda beelood ee HJ iyo HY waanu wadda hadlaynaa ay yidhaaheen. Af buuxa wuxu ku yidhi ma dhici karto, in ay heshiiyaan labadaas beelood, ee colaadda hor leh ka bilaabay, tuu maanta fuliyey-na waa tii uu ku diiday heshiis-kaas labadda beelood dhex mari lahaa, ilayn dan baan ugu jirine.

Haddii aanay iyaku wadin dagaalka muxuu u dhici waayey, intii aanay haynin maamulka, ina cigaal iyo Riyaale, ee uu u bilaabmay markii ay taladda boobeen, ilaa iyo maalintii Kulmiye la doortay ee 2010kii uu u socdaa, saw in aynu is waydiino maaha?. Maamulkii Cabraxmaan Axmed Cali , ina cigaal iyo Riyaale marnaba may dhicin, taasi waxay daliil u tahay in ay askar-tani ay yihiin kuwa ka faa’iidda colaadda beelaha gaara ee isu kaashaday. Waxan ku soo xidhay qoraalkan, waa in uu tagaa oo is casilaa ama xilka laga qaadaa Geenyo Shaaximan, haddii in uun waan-waan iyo nabad laga rabo colaadda ka taagan jiidaas Ceel-Af-weyn, waa bilaa aqoon iyo garasho la’aan, caqlina ma laha uu wax ku fahmo, ee Raggii ma adigaa ka hadhay baa ku shaqaysta, waa ka wadda waxan oo dhan, markaas baa la leeyahay muxuu wax uga qaban waayey? Saw waali iyo badh maaha, iyo weliba maskax la’aan? jeer oo laga takhaluso isaga iyo askariga Meesha bood-boodaaya, dagaal-kani mid is taagaaya maaha, waayo iyaka baa wadda, rabanna in la isku rogmado, siyaasad iyo tallo kale ma laha, waa haddii daacad laga yahay beenta dadka lagu lugoy-naayo, ugu yaraan waa in laga xayuubiyo xilka Geenyo shaaximan, oo qof caqli leh iyo basar, lagu bedelo, inkasta oo aanan ku ogayn Kulmiye, qof xil kas ah ee uu yahay ciil ururay.

* N.N Eesha Kii Dhigay U Ashtakoo-tooay.
Qore:- Abdi-Shotaly