Somaliland Waa Dawo Bukootay ( Abdi-Shotaly).

Somaliland Waa Dawo Bukootay ( Abdi-Shotaly).

Ilaah naxariistii jano haka waraabiyo’e, Aabihii Suugaanta, fanka iyo murtidda ummadda somaliyeed ” Ali sugule dun-carbeed”, baa markii uu ka yaabay maamuladdii wixii lagu sheegi jirey somaliya, sidda ay wax u wadaan, kana sii dareen, isticmaarkii reer yurub ee kala gumaysan jirey ( Waa Ingiriis iyo talyaaniye), ee ay beenawday rajaddii iyo niyaddii laga qabay, gobanimaddii loo han weynaa, oo dhicisnimo ku dambaysay, baa wuxu tiriyey suugaan uu ku fasilaayo sidda wax yihiin, aayo la’aanta ku habsatay iyo qalbi jabka ku dhacay ummaddii is lahayd xornimo baad qaadateen, isaga oo ku qeexaaya sarbeebo kala duwan, ba awaxa ka mid ahaa ” Damal geed hadh weyn maaha, Biyo galacli ceel maaha”, isaga oo tilmaamaaya, beenta lagu khawasusiinaayo dad weynaha iyo sidda aanay wax uga jirin, maamulka dawlad ku sheeg-yaddii Meesha joogayna, ay yihiin qaar soo salal madaw, kana xumaatay wakhtiggii mustacmarka, oo dadkii dhaliyey gobanimadda keenay-na isku darka la eryanaayo.

Waxa kale oo ka mid ahaa suugaan-tiisa sarbeeb uu inagu tusaalay-naayey sidda uu xaalku yahay, oo ay marayso halkii ay ku burburi lahayd, isaga oo arimahaa inoogu sawiraaya Murti qaaliya, baa wuxuu yidhi waxaynu aragnaa ” Durdur oomay, Dawo bukootay” aan u soo noqdo halka I heemaysa’e, miyaad qiyaasi kartaan, micanaha ku jira ” Durdur oomay? Bal side baa durdur oo u oomi karaa? isaggii baaba biyo qulqulaaya ahe? Meel biyihu wahdan yihiin oo hadana ooman, saw cajiib maaha iyo wax aan hore loo arag? durdurkii laga dhaansan lahaa, oo isaggii biyo u baahan waa midh subxaana-la iyo u qaadan-waa aan caqliga gelayn. Bal ku darso oo dawadda waxa loo sameeyey in cuduradda dadka, xoolaha iyo dhirta iyo waxa nool-ba ku dhaca ama gala in lagu daweeyo, hadaba haddii ay iyadda laf-teeddii ( Waa dawada’e) ay bukto saw cudur sii abuuri-mayso lagu dhamaado, waa xikmad aad u qaali ah, oow ax lagula baxo, dadka sheegta abwaanaduna aanay intoodda badani keeni Karin, wax yaabaha uu abwaanku inoo biniixiyey ee uu ina tusaaleeyey, ee muwaadin waxan uga socdo, ku soo dhawaw.

Ujeedadda uu u tiriyey Abwaanku (Ihun), waxay ay tahay maamulkii dawladnimo ee la is lahaa ummadda wax bay u taraysaa, oo isaggii ku sii dhoobaystay, kana bixi waayey gobolasysi iyo qabyaalad, kala xigtaysi, gobolkii waqooyi la odhan jirey oo colaad gaar ah lagu qaaday, madaxdiisii, aqoon yahana-diisii, siyaasiyiintii u dhalatay oo Meesha laga saaray, abwanadiisii oo la yidhi car juuq dhaha, xabsi-gana loo taxaabay haddii ay yidhaahaan sidaasi waa khalad. Waxan kus oo xidhay akhristaw qoraalkan isaga ah, waa maamulka askarta’e, wixii loo soo halgamay, ee ay SNM qoriga u qaadatay, dhibtii iyo baaba’ii inaga soo gaadhay la ogaa, curado loo laalyey, dad iyo duunyo-ba lagus oo bas belay, markii la jabiyey kuwii waxaas samaynaayey ( Wa afaqash iyo reer-koonfureed-kiiye is wataye), halkii ay ummadan Reer Somaliand ay ku naaloon lahayd nabad, wadda jir, sinaan cadaalad, dimuqraadiyadda, wax wadda lahaansho, baa maamulka asakrta ee Hargaysa, ka sii daray, oo hadda uu nijaas isku dhamooqay, siddii nirig xaartay, tuhuhnkii laga qabay wanaag iyo barwaaqo in ay gaadhaana uu colaad iyo is nac, beelaysi iyo kala jab ku dambeey, la sii akala fogaado, meel walba dagaal ka qarxay, ama in yar u saran yahay, dhiigu qulqulayaa, sidaas awgeed, Somaliland dambe yaan la sugin, haddii aan gacamo adag lagaga qaban askartan dhegaha xidhan.

* N.B Biyo Galacli Ceel Maaha!
Qore:- Abdi-Shotaly.