Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Oo Kormeer Ku Tagay Taliska Guud Ee Ciidanka Qaranka + [ Muuqaal /

Hargaysa (Salaanmedia.com)- Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Somaliland Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye(Fariid) oo maalmihii u danbeeyey waday kormeer uu ku marayey talisyada ciidamada qaranka JSL ayaa maanta gaadhay xarunta taliska guud ee ciidanka qaranka, halkaasi oo uu markii uu gaadhay salaan sharaf kaga qaatay qaar ka tirsan ciidanka qaranka JSL, waxaana si weyn goobtaasi ugu soo dhaweeyey Taliyaha ciidanka qaranka JSL S/Gaas Nuux Ismaaciil Taani, iyo hogaanada kala duwan ee ciidanka qaranka iyo waliba saraakiisha kala duwan ee ku sugnayd xarunta Taliska guud ee ciidanka.

https://youtube.com/watch?v=QF9WMBt5bFM

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Abaanduulaha koowaad ee ciidanka qaranka JSL S/Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale oo madasha ku soo dhaweeyey wasiirka gaashaandhiga waxaanu uga mahad naqay sida wanaagsan ee wasiirka wasaaradda gaashaandhigu uu u wado kormeerkiisan uu ku tagayo xarumaha, talisyada iyo fadhiisimaha kala duwan ee ciidanka qaranka.

Geesta kale waxa isna halkaasi ka hadlay taliyaha ciidanka qaranka JSL S/Gaas Nuux Ismaaciil Taani, waxaanu ku dheeraaday ahmiyada ay qaranka u leeyihiin ciidanka qaranku, waxaanu xusay in ay muhiim tahay in la dhiiri galiyo ciidanka oo ah kuwa ay shacabka Somaliland ku hurdaan waxa kale oo uu xusay in ka ciidan ahaan ay wasiirka wasaaradda gaashaandhiga ay uga mahad naqayaan sida wanaagsan ee uu u danaynayo xogogaal u noqoshada xaalada guud ee ciidanka

Gebo-gabadii waxa halkaasi ka hadalay wasiirka wasaaradda gaashaandhiga JSL Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye(Fariid) oo sheegay in uu kormeerkani yahay mid uu ku dhiiri galinayo ciidanka qaranka JSL waxa kale oo uu halkaasi deeq lacageed oo dhan $2,000 (Laba kun oo dollar) ah ku wareejiyey taliska guud ee ciidanka qaranka kaasi oo ugu talo galay in xoolo loogu qalo ciidanka qaranka ee ku sugan taliska guud ee ciidanka qaranka, geesta kale kormeerkani oo ah mid uu wasiirku ku marayey talisyada kala duwan ee ciidanka qaranka ayaa waxa uu maalintii shalay tagay taliska qaybta 31aad ee ciidanka qaranka ee magaalada Hargeysa.