Fekerka Cabdi-weli Gaas ee Somaliland, ma saxbaa?

Fekerka Cabdi-weli Gaas ee Somaliland, ma saxbaa?

Maalin dhowayd ayaa la ii soo diray cajal muuqaal ah, aad u kooban, nuxur weyn xambaarsan oo uu M/weynihii hore ee Puntland Cabdi-Weli Gaas uu kaga hadlayo gooni-isu-taaggaSomaliland ay ku taanto.

Mudane Cabdi-weli wuxu doodiisa u dhigay sidan: haddii Somaliland rabitaankeedu yahay in ay Somalia ka go’aan, iyana waa inay aqblaan ikhtiyaarka dadka deggan gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn. Wuxu ku daray intaas, isagoo jees-jeesaya: aniga rabitaankayga ha la aqbalo, kuwa dadka kalena waan diidayaa  waa maan guracan iyo garasho jaaan. Goob-joogayaashii dhegaysanyey khudbadduna sacab iyo sawaxan ayey si riyaaq leh u tumeen. 

Mudane C/Weli ma aha qofkii ugu horeeyey ee erayo noocaas ah ka dhawaajiya, qoraalo badan ayaa magacyo lagu nashiray sida: clan enclave, waqooyi galbeed iwm. Bal se aan saafno nuxurka tiraabaha noocaas ah.

Tiraaabayaasha ereyadani waxay ka duulayaan, kas ama kas-darraba, (1) in Somaliland ay degaan u yihiin qabill qudha oo la yidhaa Isaaq; (2) in maamulka Somaliland ka kooban yahay keliya ama metelo Isaaq; (3) in gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ay sooc u yihiin dadka ku abtirsada Harti.

Aan ku bilawno qodobka kowaad e’, maxmiyaddii Ingiriiska ee Somaliland la odhan jirey ee xoriyadda qaadatay 26kii June 1960, waxa ay doorteen 33 xubno Parliament oo 13 ka mid ahi ka soo jeedeen beelo aan ku abtirsan Isaaq. Taas oo macanaheedu yahay in deegaano badan oo Somaliland ah ay degenaayeen reero aan Isaaq ahayni.

Somaliland-ta maanta waxay u taagan tahay soo noolayntii Somaliland-tii dhalatay 26 June 1960kii. Kolkaa waxa aad halkaa ka soo dheegan kartaa in rabitaanka reeraha Isaaqu yahay inay ka weynaadaan abtirsiin. Laga yaabee inay khaldayaan waddada ay marayaan. Mowduuca warqaddana arrintaasi  way ka baxsan tahay.

Ta labaad, in maamulka Somaliland aanu metelin keliya reer qudha, Isaaq, waxa marag ma doon u ah in uu mudane Dahir Riyaale Kahin uu hogaaminayey Somaliland muddo 8 sanno ah; magaalooyinka Laascaanood iyo Boorame-na ay ka taliyaan maanta xidhibaano shacabku toos u soo doortay; wakiilana ku leeyihiin golayaasha sharci dejinta.

Taas macanaheedu ma aha ma jiro sed-bursi. Wuu jiraa. Beeni maxay tari. Professor Cali Khaliif iyo Professor Axmed Samatar ayaa tabliiq u weyso qaatay. Bal aan eegno waxay ka keenaan!


Ta saddexaad, gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn/Buuhoodle waa gobollo la wada deggan yahay. Tusaale gaabaan: gobolka Sanaag waxa Harti u sooc ah, degaan ahaan, degmada Badhan/Laasqoray oo keliya; gobolka Sool-na degmada Caynabi waxay badi sooc u tahay Isaaq; degmada Buuhoodle-na tuulooyin badan oo hoos yimaada ayaa sooc u ah beesha Isaaq. Kolkaa arrinku sida la sawirayo uma aha caddaan iyo madow.


Kolkaa haddii mudane C/Weli iyo dadka fekerkaas la qaba loo raaco tooda, bal halkee ayey xariiqa marinayaan oo reeraha xad u noqonaysa. Ma waxay rabaan in Ceerigaabo,  iyo degaano badan oo kale, sida Gaalkacayo khad cagaarani dhexmaro! Subxanallah.

 Fekerkaasi wuxu inoo biniixinayaa faraqa u dhexeeya fekerka asaaska u ah Somaliland iyo Puntaland. Somaliland waa juqraafi/taariikh raac, Puntland-na waa abtirsiin raac.


Mid baa se lagala soo dhex-bixi karaa tibaaxahaas, kaas oo ah: in taabiciinta fekerkaas kore aanay dan ka lahayn in reeraha Isaaqa ku abtirsdaa ka goostaan Jamhuriyah Somaliyah, bishardi in reeraha ay abitrisiinta wadaagaan ka soo hadhayaan Somaliland, lana maamul noqonayaan Puntland. Ama Jubbaland!


Waxa kale oo laga soo daliishan karaa in dadka qaba fekerkaas iyo madaxada Somaliland isku mabada’ yihiin, iskuma diidana kala goynta waddanka, waxa keliya oo ay ku muransan yihiin qabiilada Jamhuriyah Somaliyah ka baxaya iyo kuwa ku soo hadhaya. Talow ma dhaadeen midhkaas!  


Waxa murankan soo afjari kari lahaa Somaliland oo ka tanaasusha gooni-isu-tagga, kuna soo noqota xayndaabka Jamhuuriyah Somaliyah. Ilaah ha garansiiyo. Aamiin.

Talow mudane C/Weli muxuu odhan lahaa markaas? Adaan kuu daayey akhriste.


Maxamuud Cabdillahi Axmed

London, UK

16/08/2019