Jaaliyada Somaliland ee Ohio oo u samaysay qado sharafeed Xildhibaan Muse Daud Cilmi

Jaaliyada Somaliland ee Ohio oo u samaysay qado sharafeed Xildhibaan Muse Daud Cilmi

Columbus, Ohio—Shalay jaaliyada Somaliland ee Ohio waxay “ Lavash Restaurant” ee ku yaalla magaalada Columbus, Ohio, qado sharafeed ugu sameeyeen xildhibaan Muse Daud Cilmi , oo ka trisan golaha deegaanka e magaalada Berbera.Inkastoo ay ahayd maalin shaqo, haddana, qadada waxa ka soo qayb galay dad fara badan.

Xafladan waxa soo agaasimay guddoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee Ohio, Yusuf Omar, iyo xidhiidhiyaha jaaliyada, Abdisalam Ali Mohamed, iyo Cabdi Kayd.

Sheikh Abdirizak Mataan ayaa ku furay aayadaha quraanka kareemka ah. Ka dibna, dadkii ka soo qaybgalay xaflada ayaa is baray xildhibaan Muse Daud Cilmi.

Xildhibaan Muse Daud Cilmi ayaa jaaliyada uga warramay waxyaabahii u qabsoomay dawlada hoose ee Berbera. Isagoo sheegay labadii sano ee ugu dambeeyey in ay golahu qabteen hawlo fara badan, sida wadooyin cusub oo kor u qaaday bilicda iyo isu socodka magaalada.

Waxaa kaloo ka waramay siayaasada guud iyo nadabgelyada wadanka.

Muse Daud Cilmi waxa ku baraarujiyey jaaliyada in ay lacagtooda gashadaan wadanka, siiba gobolka Saaxil, oo ay ka jiraan fursado badan oo maalgashi ah.Ama ay ka shaqeeyaan siday u keeni lahaayaan shirkado maalgashada wadanka.Maal gaashidaas oo abuuaraya warshado yar –yar ama meherado shaqooyin u abuura dhallinyarada.

Xildhibaanku wuxuu aad ula dhacay midnimada iyo isku dubnaanta ka muuqatay jaaliyada. Wuxxuna xusay in,” Jaaliyada Somaliland ee Ohio ay tahay jaaliyadii ugu fiicnayd ee uu la kulmay, “ intii uu qurbaha ku safrayey. Wuxuuna ku dhiiriyey inay himiladooda ay kor u sii qaadaan, iyo midnimadooda ay sii xoojiyaan.

Xaflada markay dhamaatay, jaaliyada waxay sawir wadareed la galeen Xildhibaanka “Restaurant’ka dibadiisa.

Xildhibaan Muse Daud Cilmi waxa ka mid yahay xildhibanaadi la soo doortay doorashooyinkii 2012 ee golaha deegaanka. Hal codna looga guuulaystay inuu Mayorka Berbera noqdo.Muse Daud Cilmi waxa uu la dhashay Mayorkii ugu waxqabashada badnaa Berbera, Saciid Daud Cilmi, oo shil baabuur ku geeriyooday 2007.

Gubanmedia.com
Covering Horn of Africa Region
aliadm18@gmail.com