Wararkii U Dambeeyay Ee Badhasaabka Gobalka Badhan Oo Uu Jidgooyo U Galay Badhasaabkii Hore Oo Puntland Metelayay

Hargaysa (SDalaanmedia.com)- Badhasaabkii cusbaa dhawaan uu madaxweyne Biixi u magacaabay gobalka Badhan Maxamed Xaamud Cumar, ayaa dagaal gaadmo ah oo ay ku soo qaadeen ciidamo taabacsan Puuntland waxa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba isugu jira.

Dagaalkan waxa badhasaabka cusub ku soo qaaday badhasaabkii hore ee Somaliland u joogay badhan Cali Xuseen Soomaali oo isagu hore isu casilay, waxaanu dagaalku ka dhacay magaalada Hadaftimo, badhasaabkan cusub waxa lagaga qabsaday dagaalka laba gaadhi oo midi uu yahay kii uu saarnaa oo uu ku yaalo taarikada gaadiidka dawladda Somaliland. Wararka ka imanaaya deegaanada Sanaag ayaa intaas ku daraaya in badhasaabkii cusbaa ee Somaliland Maxamed Xaamud uu dib ugu soo laabtay Ceerigaabo oo uu xalay cawayskii dambe soo galay.

Badhasaabka Badhan oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno si aanu xaaladda wax uga weydiino, ayaanay noo suurtogelin. . Guddoomiye ku xigeenka gobalka Badhan ee Somaliland Cabdiraxmaan Axmed Muuse oo isagu ku sugan Badhan ayaa ka waramay dagaalkan oo uu sheegay inay ka jawaabi doonaan, waxaanu yidhi “ Dagaal ayaa jira guddoomiyaha gobalka Badhan oo soo socday ayaa niman maleeshiyaad beeleed ah oo Puntland u shaqeeya oo uu wato nin guddoomiyaha Puntland isku sheegaa ayaa jidgooyo ugalay oo si gaadmo ah u gaaday, khasaarii waa uu socdaa dhimasho iyo dhaawacba labada docba waa uu jiraa, dagaalku waxa uu bilowday laba iyo tobankii iyo badhkii maalinimo.”

Badhasaab ku xigeenka oo hadlakiisa sii wataa waxa uu yidhi“ Ciidan mandaqada u dhashay ayaa joogay ee ciidan Puntland la yidhaahdaa ma joogin, ciidanka mandaqada guddoomiyahu waxba kalama kulmin ciidankan gaadayna waa ciidan ka baxay Badhan iyo Ceel-daahir oo nin Cali Xuseen Soomaali la yidhaahdaa uu waday oo guddoomiye ah,badhasaabka ayaa hogaaminayay oo Puntland meesha ugu qoran. Waxaanu soo dhawayntiisa ka wadnay Badhan manay jirin wax shido ah, dalka iyo dadkuba waa Somaliland waanuna is difaacaynaa waanuna ka jawabaynaa gaadmadaas yar.