NAA XAFIISKA IIGA BAX

Naa Xafiiska iiga Bax
===============
Waxay xambaar san tahay ilma yar, waa hooyo soomaaliyeed, waxay safka soo gashay qoraxda oon soo bixin,mid kale waa jiidaysaa oo aanay wali lugtu adkaan, waxaa ka muuqdo duruuf, iyadoo ooyaysa ayay kasoo baxday mid ahaan qolalka Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda ee soomaaliya xafiiskooda ku yaal Magaalada Muqdisho, ilmaha ay xambaar san tahay dhabarkeeda ayuu ku hurdaa, kay gacanta jiidaysana sida hooyadii ayay ilmo ka socotaa.

Dhawr qof oon ku jiro ayaa maxaa ku helay iyo waraysi war jacayl u badan kula soo yaacay . Nin ay ciro madaxiisa dabooshay inuu iga yar yahayse u muuqda ayaa inta dadkii dhex jiiray gabadhii gacanta qabtay dhinacna ula baxay, qudhayda war jecli iyo waxay iga ahaydba odaygii ayaan garab istaagay.

Adeer maxaa kaa boohiyay ? waxay tiri 20 maal mood ayaa soo laabo la igu hayaa ilmo xanuun san ayaan dusha ku sidaa, ehel ayaa raba inay Caafimaad ila baadi goobaan , baasaboor usoo same ayaa la igu yiri , si loogu qaado xarumo caafimaad oo dalka ka baxsan .

Iyadoo wali ilmadu ka qubanayso ayay tiri waxaa la igu haystaa waxaan horay u lahaa Baasaboor , wuxuu dhacayaa 4 bilood ka dib , waxaa la igu yiri marka aad Dal ku gal dalbanaysid waa in ugu yaraan 6 bilood ka dhiman tahay xiliga dhicitaanka , markaan wax walba soo maray ee aan lacagtii soo shubay ayaa waxaa igu dhagay kuray aan dhali karo wuxuuna igu yiri 4 bilood ka dib imoow .

Waan u dan sheegtay waxaa la iisoo diray xafiiskaan hadda uu kurayga kale iga soo saaray sidoo kale wuxuu igu yiri sug inta uu kan dhacayo , dantayda ayaan u sheegay , si xushmo darro ah ayuu iila hadlay ‘’ Naa Xafiiska iiga Bax , bax ma dhaaf ‘’ ayuu igu yiri ma intuu cunugayga dhimanayay ila sugayaan ? . Adeerow ma anaa khaldan mise balaayadaas meesha la fadhiisiyay ?

Wiil yar oo gadaalkii la iisheegay inuu ahaa Dhalin yaradii ka soo ‘’baxday’’ Al Shabaab oo kursi isku leex leeniyana dhawr fayl oon mar dambe ogaaday in la maalayo ama lacago laaluush lagu cunayo hor yaalliin ayaan dul istaagay kuna iri, maxaa lagu haystaa gabadhan ? Baasaboor aan dhicin bay haysataa markuu dhaco ha imaaddo ayuu asagoo kor ii eegaya yiri.

Anigoo ka caraysan dhaqan ka kurayga, waxaa soo galay nin iila muuqda nus qarni cumrigiisu oo Agaasime loogu yeerayay, warkii kurayga inta ku raacay ayuu yiri Odaygaan dartii ugu dhammee ha na dhaaftee, markuu intaa yiri oo kuraygiina qalin haabtay ayaan warqaddii ka qaaday istaagayna ku iri aniga dartay loo samayn mayo ee sharciga ha ina kala hago, xageed ku aragteen Baasaboor 6 bilood ka yar oo Dal ku gal la saaro, maxaa loo qaataa Baasaboor? Ma in lagu xaragoodaa ? war meeshu ma makhaayad aad leedihiin baa ?

Odaygii kale ayaa inta I qabtay xaashidii iga qaaday, gabadhiina sidaa ayaa maalintaa loogu dhameeyay waxay rabtay 20 casho kadib oo lugooyo ah, maalin kastana jawaan habaar ah ayay ku reebaysaa , dhaqanka Laanta Socdaalka ka jira ayaan usii dhabba galay qof dhalin yaro ah oo aan xansaday ayaan waydiiyay bal shaqada iyo waxa la qaato mushaar.

Mid baa igu yiri Adeer Mushaar kaygu waa 400$ laakiin bishii 2000$ waan sameeyaa !!! iisheeg sideed wax yeeshaa? wuxuu yiri kaararka subaxa hore faylka loo galo 10 ilaa 20 xabbo oo tirsiga hore ah ayaan jeebka dambe gashadaa , waxaan hadhaw ka gadaa dad iska diidaya inay soo kalahaan, Dadka qaar ayaa dag dag wax u raba marka la sawiro, waxaad ka qaadan xoogaa fiican wiilasha Mad’bacadda jooga ayaad mid xoogaagiisa u tuuri saacad gudeheed ayaad kusoo dafi, dadka caadigaana 21 casho ayay sugaan, Adeer meesha dadka jooga waa la wada shaqaystaa, waana la iska war qabaa, qof marka wax yar oo khalad ah lagu arko waa lagu adkayn si uu wax u ogolaado , dadka barri soo noqo waxaa loo lee yahay shaqada waa la qaban karaaye waa wax ha ogolaadaan.

Wasaarada Maaliyadda waxaa u qoran 68$ inuu yahay Baasaboorka, Laanta Socdaalkana waxay qaaddaa 108 $ ? xoolaha la xadayo xanuun cid ay ku hayso kumaan arag Xamar.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii F. Xiirane oo ka tirsanaa sirdoonka soomaaliya (NSS, 1976 – 1991)