Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

“Waa Arrin Murugo Ah In Dowladdu Ay Maareynta Hawada U Isticmaasho Hub Siyaasadeed..” Xasan Sheekh

Muqdisho (Salaanmedia.com)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay tallaabooyinka dowladda Soomaaliya qaadeysay ee la xidhiidha awaamiirta dhanka maamulka Hawada ee maalmihii la soo dhaafay ay soo saartay.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo geliyay ayuu ku sheegay in Soomaaliya ay muddo 30 sano ah sugeysay inay gacanta ku dhigto maamulka Hawadeeda.

“ Waa xaalad murugo leh in dowladdu u isticmaasho maareynta hawada sidii hub siyaasadeed oo saameyn culus ku yeelan kara xasilloonida siyaasadeed iyo midnimada dalka…”ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh ayaa kula taliyay dowladda Federaalka inay labo jeer ka fikirto, kana laabato dariiqa hadda wax loo wado.

Hadalkan ka soo yeedhay Xasan Sheekh ayaa ku socda awaamiirta dhanka duulimaadyada ee ay dowladdu ku soo rogtay diyaaradaha aada Kismaayo, iyadoo maanta la xanibay diyaarad Muqdisho ka qaadi laheyd Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo ku sii jeeday Kismaayo.

Please follow and like us: