Cabdirashiid Riyo-Raac Oo Ay Qabsatay Diirrada Mucaaradku Iyo Ololeyaal Is-Garab Socda

Hargaysa (Salaanmedia.com)- Mid ka mid ah saddexda xubnood ee uu Madaxweyne Biixi u soo xulay guddiga doorashooyinka qaranka Mr. Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac) ayaa waxa si weyn uga horyimid mucaaradka, gaar ahaan xisbiga Waddani.

Mr. Riyo-raac, ayuu Madaxweyne Biixi ku soo daray xubnaha 7-da ah ee guddiga doorashooyinka, laakiin mucaaradka ayaa si weyn uga horyimid in Cabdirashiid Riyo-raac ka mid noqdo guddiga cusub ee doorashooyinka, iyagoo ku eedaynaya inuu ka tirsanyahay xisbiga KULMIYE islamarkaana uu ka qayb galay ololihii u dambeeyay ee doorashooyinka.

Golaha wakiilada ayaa laga dareemayaa guux badan oo ka dhan ah Mr. Riyo-raac, waxaana golahaas ka dhex socda olole lagu doonayo inay golaha wakiiladu diidaan in Riyo-raac ka mid noqdo guddiga cusub ee doorashooyinka.

Dhinaca kalena waxa golaha ka socda olole ay ka wadaan masuuliyiin qaranka ka tirsan kuwaas oo doonaya inay ansixiyaan xubinimada guddiga doorashooyinka ee Cabdirashiid Riyo-raac.

Warar kale ayaa iyaguna sheegaya in xisbiga Waddani uu doonayo inuu Madaxweyne Biixi culays ku saaro inuu ka laabto xubinimada uu u soo magacaabay Cabdirashiid-riyo raac ee guddiga doorashooyinka, oo ay ku eedaynayaan inuu ka tirsanyahay golaha dhexe ee KULMIYE.

Si kastaba ha ahaate, waxa muuqata in iyadoo aan la dhammaystirin dhismaha guddiga cusub ee doorashooyinka uu bilaabmay khilaaf ku saabsan shakhsiyaadka loo soo xulay inay ka mid noqdaan guddiga doorashooyinka qaranka oo ka kooban 7 xubnood.

Madaxweyne Biixi ayaa soo xulay saddexdan xubnood

Mustafe Maxamed Daahir oo ah nin dhallinyaro ah oo aqoonyahan ah

Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi oo ka tirsanayd guddiga uu xilku ka dhammaanayo ee doroashooyinka

Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac) oo ah siyaasi caan ah

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa isna u xulay guddiga doorashooyinka Mr. Cabdikariim Yaasiin Sheekh Dalmar, halka uu guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe isaguna gudbiyay Mr. Xasan Yuusuf Ducaale. Guddoomiyaha golaha guurtida Saleban Maxamuud Aadan, ayaa isaguna xulay labada xubnood ee kala ah Maxamuud Daahir Jaamac (Dhoodi) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood).

Guddiga doorashooyinka qaranka ee xilka haya ayaa wuxuu muddo xileedkoodu ku eegyahay bisha November ee soo socota.