Dr Abiy Axmed Ma Ku Guuleysan Doonaa Abaalmarinta Nabadda Ee Nobel?

Majalada Time ayaa sheegay shaqsiyaadka la filayo iney ku guuleystaan abaalmarinta nabadda ee Nobel oo sanadkan 2019-ka lagu qabanayo caasimadda Norway ee Oslo ayaa loo badinayaa inuu ka mid noqdo Ra’isalwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed.

Wargeyska ayaa u sababeeyey inuu Dr Abiy uu ku guuleysan karo abaalmarintaasi inta uu talada dalka Itoobiya qabtay sida uu muddo gaaban uu ugu soo afjaray colaaddi 20 sano ku dhawaad ka dhex taagneyd Itoobiya iyo Eritrea, maxaabiista siyaasadeed ee faraha badan oo uu xabsiyada ka si daayey iyo guud ahaan isbeddellada uu ka sameeyey siyaasadda dalkaasi.

Hay’ad fadhigeedu yahay Ingiriiska oo lagu magacaabo Ladbroke oo badanaa arrimaha siyaasadda saadaal ka bixiso ayaa sheegtay iney Dr Abiy guusha raaci doonto wuxuuna rajada inuu guuleysto ay gaarsiisay 80% ayay tiri hay’addu.

Abaalmarinta nabadda ee sanadlaha waxay sanad walba abaalmarin siisaa shaqsiyaadka ama hay’adaha doorka weyn ku lahaa nabadda dunida.

Sanadkii hore waxaa abaalmarintaasi ku guuleystay dhakhtar Koongo u dhashay oo lagu magacaabo Danes Mukwega iyo gabadh u ololeysa ka hortagga kufsiga iyo gaboodfallada jinsiga la xiriira oo lagu magacaabo Nadia Murad.

Hay’adda bixiso abaalmarinta Nobel waxay sheegtay abaalmarinta sanadkan iney u tartamayaan 301 musharraxa oo isugu jira 223 shaqsi iyo 78 hay’adood, inkasta oo aan shaqsiyaadkaasi iyo hay’adahaasi magacyadooda la shaacin haddana waxaa soo ifbaxayo saadaalin abaalmarintaasi cidda ku guuleysan karto laga sii bixinaya.

Dadka kale ee guusha loo saadilayey waxaa ka mid ah gabadha u ololeysa isbeddelka cimilada Greta Tumburg iyo Ra’isal Wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern.

Cidda abaalmarinta Nobel ee sanadkan ku guuleysatana waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqayaa maalinta Jimcaha oo ay maalma un naga xigto.

Maxay ka wada hadleen Soomaalida iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya?

Ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed muddada kooban uu xilka soo hayey tallaabbooyin wax ku ool ah ayuu qaaday, haddana dadbaa ku dhaliilaya iney weli jiraan howla waxqabad u baahan oo Raisul wasaaraha horyaallo.

Tan iyo inta uu hoggaanka dalka Itoobiya uu qabtay Ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed oo ay haatan hal sano u buuxsantay waxaa dalka Itoobiya ka socday isbeddello dhinacya badan taabanaya.

Isbeddellada oo weli halkooda ka socda haddana waxaa jira cabsi aad u weyn oo laga muujinaya xaaladaha si isdaba joogga dalka uga dhacaya oo ay ka mid yihiin dagaallada ka dhex dhaca qowmiyadaha dalkaasi ku nool waxyaabaha u qabsoomay kuwooda ugu mudan waxaa ka mid ah: