Maamulka Puntland Oo Soo Bandhigay Ciidamo Cusub Oo La Sheegay In Ay Ka Goosteen Somaliland + Sawiro

Garoowe (Salaanmedia.com)- Maamulka puntland ayaa sheegay in saakay waaberigii hore ay kusoo biireen Ciidamo ka tirsanaa Soomaaliland,kuwaas oo ka howlgeli jiray deegaano ka tirsan gobolka Sanaag ee Somaliland.

Warbaahinta Maamulka puntland ayaa soo bandhigtay sawirada Ciidamo ay sheegeen inay ahaayeen guutadii 93-aad ee ciidanka Qaranka Somaliland ee jiidaha hore, kuna soo biireen dhinaca Puntland.

Ciidamadan ayaa sida la sheegay waxaa ay ka howlgelayeen deegaanka Ceelbuh ee gobolka Sanaag,isla markaana uu hoggaamineyey Gaashaanle Mustafe Siciid Toor oo taliye u ahaa ciidanka Somaliland ee degaankaasi ku sugan.

Sidoo kale Ciidamadan kasoo goostay Soomaaliland ee ku biiray Puntland ayaa waxaa soo dhaweeyey maamulka gobolka Sanaag u qaabilsan Puntland ee gadhigoodu yahay degmada Badhan,kuwaas oo iyaguna horay Puntland ugu biiray.

Soomaaliland weli kama hadlin Warkaan kasoo baxay Puntland iyo ciidamadan ay soo bandhigeen oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Soomaaliland balse ay kusoo biireen Puntland.