Madaxweyne Biixi Oo Magacaabis Iyo Xil Ka Qaadis Sameeyey

Hargaysa (Salaanmedia.com_) Ilo Xog ogaal ah oo soo gaadhay shabakada wararka ee Salaanmedia waxaa ay sheegayaan In madaxweyne Biixi xil ka qaadis iyo magacaabis ku sameeyey qaar ka mid ah taliye ku xigeenada ciidamada Dalka

Xogahan ayaa sheegay in madaxweyne Biixi xilkii ka qaadey taliye ku xigeenka ciidanka Asluubta Gen Xassan Cali Dheere isla markaan uu xilka taliye ku xigeenka Asluubta u magacaabey taliye ku xigeenkii Ciidanka Booliska Gen C/Raxmaan Liibaan Fooxle

Sidoo kale wararkan xog ogaal ah ayaa sheegaya in madaxweyne Biixi taliye ku xigeen cusub u magacaabey masuul cusub

Ilaa hada ma jirto warqad warbaahinta loo soo gudbiyey oo ku saabsan xil ka qaadista iyo magacaabista masuulyiinta balse xogaha nasoo gaadhey ayaa sheegaya in taliyayaashan warqadaha toos loogu geeyey.