Mareykanka Oo Wado Qorsho La Isugu Xirayo Saldhigyada Soomaaliya Iyo Jabuuti

Wargeyska Indian Newsletter ayaa qoray warbixin ku saabsan qorsho ay Dowladda Mareykanka ku dooneyso inay isku xirto Saldhigyada ay ku leedahay Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti.

Warbixinta uu qoray Wargeyska ayaa lagu sheegay in Dowladda Mareykanka ay isku xireyso labada saldhig iyadoo taas loo marayo dhinaca Internetka.

Wargeyska ayaa sheegay in Mashruucaan la iskugu xirayo saldhigyada Balli Doogle iyo Camp Lemonnier ee Soomaaliya iyo Jabuuti la siiyey shirkad isgaarsiineed oo laga leeyahay dalka Dibadiisa.

Warbixintaan ayaa kusoo aadeyso xilli Bishii January uu qoray Wargeyska Foreign Policy oo laga leeyahay dalka Mareykanka inuu Mareykanka qorsheenayo sidii loo sameyn lahaa jid dhinaca dhulka ah oo isku xira labada Saldhig oo muhiim u ah howlaheeda Geeska Africa.

Dowladda Mareykanka ayaa dhismaha Saldhigga Balli doogle u qorsheysay in lagu dhiso adduun lacageed oo gaarayo ilaa 12 Malyan oo Dollar ah.

Dhismaha Garoonka Balli doogle ee Soomaaliya ayaa kusoo aadayo xilli Dowladda Mareykanka ay dhawaan sheegtay inay Soomaaliya usoo direyso 450 Askari oo qeyb ka noqon doono howlgalka ay wado Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhawaan weerar ku bilowday is qarxin ku qaaday Saldhigga Dowladda Mareykanka ee Balli Doogle inkastoo uu weerarkaas noqday mid fashilmay kadib markii Ciidamada Dowladda ay iska caabin xoog leh sameeyeen.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inuusan weerarkaas wax saameyn ah ku yeelan doonin howlgalada Saldhigga Balli Doogle ka socdo , waxayna Ciidamada Dowladda uga mahadcelisay sida ay isaga difaaceen weerarkaas sida weyn loosoo qorsheeyey.