Wasiirkii hore ee Wershada Somaliland oo ka hadlay khilaafka Doorashada iyo Diidmada Xisbiga Waddani ee Xubnaha Komishanka Cusub

Hargeysa (SalaanMedia)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Wershadaha Somaliland, Shucayb Maxamed Muuse, ayaa soo bandhigay sababo uu ku sheegay inay salka ku hayaan go’aanka diidmada ah ee Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ka muujiyey labada xubnood ee madaxweyne Biixi u magacaabay Guddiga Doorashooyinka ee Cusub.

 

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa cabasho ka muujiyey isla markaana ka biyo-diiday laba ka tirsan saddexda xubnood ee Madaxweyne Muuse Biixi u soo xulay Guddiga cusub ee Doorashooyinka, waxaanu xisbiga Waddani ku dooday inay xubnahaasi ka tirsan xisbiga Kulmiye. Waxaanu xisbigu arrintan kaga jawaabay Warqad uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), taas la gaadhsiiyey Golaha Wakiillada Somaliland oo xilligan ay horyaallaan todobada xubnood ee Guddiga Doorashooyinka si ay u ansixiyaan, waxaanu guddoomiyuhu warqaddaas ku dalbaday in la hakiyo xubinta xisbigoodu u soo magacaabay inta laga jawaabayo cabashadooda.

 

Haddaba, Wasiirkii hore ee Wershadaha Xukuumaddii madaxweyne Axmed-Siilaanyo, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu soo bandhigay sababo uu sheegay in guddoomiye Cirro ku diiddan yahay labada xubnood.

 

Muuqaalka Hoose ka Daawo Hadalka Ex-Wasiir Shucayb Maxamed