Yuusuf Garaad: Kulankeygii Koowaad Ee Jaalle Siyaad Barre.

Annaga oo ah ciyaal dhigta Dugsiga Hoose ayaan galab isugu soo baxnay in aan kubbad cayaarno. Galbo fara badan oo aan banooni cayaarnay ayay ka mid ahayd. Laakiin waa Galab aan weli xusuusteyda ka go’in.

Waa Buulo Burte. Waa Xaafadda Oktoobar. Waa barxad gawaan ah oo ku ag taalla kawaanka.

Annaga oo cayaartu dhexda noo mareyso ayaan aragnay laba baabuur oo yaryar oo FIAT ah oo tartiib isu daba socda meel dhinac nooga beegan laakiin isla barxadda ah. Waa baabuur aynaan magaalada ku aqoon.

Baabuurta magaalada ugu badan waxaa leh militeriga umana eka kuwan. Qaar kale waxaa leh booliiska oo LG iyo kuwo sidiisa u waaweyn. Dowladda Hoose iyo Wasaaradaha qaar sida caafimaadka ayaa iyaguna baabuur leh. Baabuur rayid ah oo aan badneyn ayaa jira iyo kuwo Buulo Burte ku xira Xamar iyo Beled Weyne iyo weliba kuwa isaga goosha Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka ee woqooyi ka xiga Hiiraan. Kuwaas oo dhan noocyadooda ay yihiin ama laga fili karo ayaan naqaan. Mana soo dhaafaan laamiga weyn ee magaalada dhex mara ee Bari iyo Galbeed u kala qeybiya. Labadan baabuur waa kuwo waxaas oo dhan ka duwan.

Banooniga waan joojinnay. Dareenkeenna oo aan qeybsaneyn ayaan siinnay baabuurtan doolka ah. Waxay ku wajahan yihiin gurigayaga oo barxadda dhinac ka saaran. Markii ay derbigiisa ku tageen ayay soo leexdeen oo ay damceen in ay ku laabtaan jihadii ay ka yimaadeen.

Aabbe ma Aha
Qacda hore waxaan mooday Aabbahay. Laakiin aabbahay xilligan ma soo rawaxo. Nooca baabuurtuna waa ay ka duwan yihiin kuwa uu aabbahay ku yimaado ama lagu keeno, haddii aanuu lug ku imaan. Badiyaa baabuur militeri oo Ruushku sameeyay ayuu ku imaan jiray aabbe. Waxaa baabuurtaas ka mid ahaa Jeeb uaz ah iyo kuwo waaweyn oo ay ka mid ahaayeen Gaz, Maz, Triaz iyo baabuur dheereeya oo ay Soomaalidu ula baxday daf iyo miriq.

Labada baabuur ee meesha maraya ee tartiibta u socda ee marba dhinac noo dhaafaya waan ku soo yaacnay. Markii ay na arkeen in aan ku soo ordeyno ayay labadii baabur joogsadeen. Annaga oo aan hakan ayaan foodda la galnay baabuurka hore. Aniga oo dhinaca baabuurta xigay ayaa ugu soo orod horreeyay ciyaalka. Tallaabo ama laba meel u jirta ayaan soo istaagay ciyaalkiina wey ila soo safteen.

Fool-ka-Fool Madaxweynaha
Ninka baabuurka wada ayaa isaga oo dhoollacaddeynaya noo yeeray oo nala hadlay. Anna waan u jawaabay aniga oo markaan labada gacmood ku haysta baabuurka albaabkiisa meesha miraayadaha haddii la dallaco ay ka soo bixi lahaayeen.

Su’aalo fudud ayuu na weydiiyay. Waan uga jawaabnay. Markii uu in yar nala waday sheeko ciyaal ayuu yiri waan baxayaa ee nabadgelyo. Iskuulka ku dadaala ayuu yiri isaga oo gacanta noogu tilmaamaya in aan nabadgalno. Waxaan ku iri maad nala joogtid. Wuxuu igu yiri shaqo ayaa la iga sugayaa oo Xamar ayaan aadayaa. Qaarkeen nabadgelyo ayay ku dheheen qaar kalena waa ay iska aammuseen.

Xoogaa markii aan sii daba cararnay ka dibna uu naga dheereeyay, ayaan annaguna halkii ka sii wadannay kubbaddayadii.

TV ma jirin. Internet ha sheegin. Wargeysna markaas ma aynaan arki jirin inta badan. Ilaa iyo hadda ma aqaan sida aan wejigiisa ku gartay. Laakiin waan ogaa ninka baabuurka wadaa in uu yahay Madaxweynaha dalka.

Hadda markii aan dib u fekeray waxaan is iri malaa waa wakhtigii uu u ekaa sawirka tukaammada iyo xafiisyada suran.

Dhar ciidan muu gashaneyn ragga la socdayna dhar ciidan ma wadan. Ma xusuusto in aan qori arkay. Waan hubaa baabuurka uu isagu isteerinka u hayay qofna kama soo degin. Ma hubo in kan labaad oo daba taagnaa laga soo degey.

Ilaa iyo hadda ma ogi sababta uu Goddoomiyaha Goboolka ama kan Degmadu aanuu ula socon Madaxweynaha. Sidoo kale militerigii xoogga lahaa ee magaalada degganaa Taliyahoodu lama socon.

Xuseen Kulmiye Afrax
Ma hubo labada booqasho midda horreeysay. Laakiin Kawaanka Oktoobar dhismihiisu markii uu dhammaaday waxaan isagana maalin ku arkay Xuseen Kulmiye Afrax. Madaxda Degmada ayaa u warbixineysay. Dharka booliiska ayuu ku lebbisnaa. Isaga ma aanan garan, laakiin shaki iigama jirin in uu yahay Madax Sare. Waxaan u fiirsaday garaaddihiisu waxa uu ka kooban yahay iyo sida uu u eg yahay. Garaadduhu wuxuu soo jiitay indhahayga maaddaama aanan mid la nooc ah ku arag ciidanka faraha badan ee magaalada jooga.

Aabbahay markii uu shaqada ka soo rawaxay ayaan u sheegay ninka yimid xaafaddeenna markaasna waxaan u sawiray garaaddaha uu lebbisnaa sida uu u ekaa. Aabbahay ayaa ii sheegay ninka uu ahaa.

Berigaas ma aanan ogeyn in nimankaasi iyaga oo weli dalka Madax ka ah aan dhammaysan doono waxbarasho ilaa heer Jaamacdeed. Ma ogeyn in aan labadaba wareysan doono. Ma ogeyn in aan safar u raaci doono. Ma ogeyn in aniga oo weriye ah aan soo dhex istaagi doono Golaha Wasiirrada dalka oo ay labaduba fadhiyaan.

Mana ogeyn in aan amni darro darteed dalka uga tegi doono iyaga oo weli Madax ka ah.

Dhammaantood Allah ha u naxariisto.

W/Q: Yuusuf Garaad Cumar