《 Markaan Naaro kulul ka waraabiyo Danba way kuugu ducayn 》

《 Markaan Naaro kulul ka waraabiyo Danba way kuugu ducayn 》

Mid ka mid ah Boqorradii Carbeed ee Dunida soo xukumay kuna caan baxay Musuq-maasuq , Madax-adayg iyo Macangag-nimo ayaa illeen nin weyni wadkiisa waa yaqaanaaye Maalintii uu dareemay inay geeridii utimi oohin dabada qabsaday illaa lagaba aamusiin kari waayay , wiil uu dhalay Curadkiisana ahaa ayaa ku yidhi sidee wax ujiraan Aabo , maxaa kaasiya calool jileeca laguguma aqoone , Odaygii oo dirqi hadalku kaga soo baxay ayaa ugu jawaab celiyay inankii ” Aabo Maanta waxaan dhimanayaa iyadoon Qof kaliya oo Shacabkii aan soo xukumay ka mid ahi aanu ii duceeynaynin mid ihabaara mooyaane ,

Inankii oo aanay kaba qasnayn ayaa ugu war-celiyay Odaygii ” iska aamu Aabo anaa huba inay in badan kuu soo ducayn doonaane ” Odaygii oo mar kaliya oohintii isu badashay yaab iyo amakaag ! Isla markaana garan waayay meesha inankiisu libinta ka siiyay ayaa ku yidhi maxaad tidhi aabo , ku celi bal warkaa , malaha arinkaasi wax dhacaya maaha , maxaadse ku ogaatay adigu ,

Inanka oo ahaa dhaxal sugaha fuuli doona kursiga Odaygu kadago , ayaa yidhi isagoo ujilcinaya aabihii sida wax udhici doonaan ” Aabo markaan Naaro kulul ka waraabiyo ee wixii aad ku samayn jirtay noqdaan subag Hooyo ku marisay waxaa la arki doonaa iyagoo kuu ducaynaya oo leh ” illaahayaw unaxariiso Odaygii , nin wanaagsan ayuu ahaa boqol jeer isagaa kan dhaamaye yaa noo soo celiya ,

Qisadan yaree kooban ujeedada aan u keenay maaha inaan kawado Madax-weyne yaasha aan la mahadin ee inoo soo daba maray kuwii horee aynu kayaabanayn dhaqankooda iyadoo runtii iyaga laftoodana kuhaboonayd , waxaanse hada kawadaa waa komishankii horee SL ee waqtigoodu dhamaaday iyo sidii looga dayrin jiray , iyo waliba Qaylo-dhaantii ka yeedhay mudadii ay socotay iyadoo la ogaa ayaa hadana maanta la Ansixiyay kuwan aan arkaayo , markaa saw su,aalahan iyo jawaabahani uma eka kuwo dhex maray ina Riyo-raac iyo ina Iimaan Warsame oo isugu bushaaraynaaya inay ciyaartii halkii kasii socon doonto illa laga yidhaahdo ” Salaamullaahi calaa xajaaj “

Sharmaarke Wacays