Internet Ku Hadduu Shalay Ahaa Tubta Horumarka, Maanta Waa Jidka Loo Maro Basaasidda Iyo Cabudhinta

Wargeyska Washington Post ayaa maqaal tifatir oo uu arbacadii 6-da Oktoobar boggiisa hore ku qoray waxa uu ku sheegay, bilowgii internet ka in adduunka aad looga aaminsanaa in uu xoojin doono xorriyadda, iyo in dawladaha keli taliska ahi ay dagaal la geli doonto, si ay dadka uga joojiso isticmaalkiisa, ama ugu yaraan ay la socon doonto waxa ay muwaadiniintoodu internet ka u adeegsanayaan. Laakiin marnaba maskaxda kuma ay soo dhicin in dawladahaasi ay internet ka laftigiisa u adeegsan doonaanba hab ay muwaadiniintooda ku cabudhiyaan, sida hadda jirta.

Wargeysku waxa uu sheegay in warbixinta sannadlaha ah ee “Freedom House” oo ka warrantay heerka xorriyadda internet ku ay sannadkiii saddexaad ee is xiga caddaysay, in ay hoos u sii dhacayso xorriyadda internet ka ee adduunku. Maraysana in dawladaha kelitaliska ah iyo kuwa dimuqraaddiga ahi ay si isku mid ah u adeegsadaan teknoolajiyad aad u horumarsanoo u suurtagelinaysa in ay internet ka laftigiisa u adeegsadaan dadweynahooda. Ol’oleyaal xooggan oo jaahwareerin, marin-habaabin, been-abuur iyo basaasid ah ayaa ay internet ka u mariyaan bulshada.

Warbixintu waxa ay sheegtay in dunita maanta 3.8 bilyan oo qof oo adduunka ku dhaqan ay suurtagal u tahay gelitaanka Internet ku. Dadkaas oo in ka badan boqolkiiba 70 ay ku noolyihiin dalal dawladahoodu ay muwaadiniinta ku xidhaan farriimaha iyo faallooyinka siyaasadda la xidhiidha ama arrimaha bulshada iyo diinta ku aaddan ee ay ku faafiyaan internet ka.

Tiradadaas oo boqolkiiba 65 ka sii mid ahi ay ku noolyihiin dalal ay dawladuhu sababo dhaqdhaqaaqooda internet ka la xidhiidha awgood ugula kacdo dil iyo xad gudubyo kala duwan.

Qurxinta xogta been abuurka ah

Hay’dda Freedom House waxa ay warbixinta ku sheegtay in siyaasiyiin bilaa damiir ahi ay caado ka dhigteen in ay internet ka ku faafiyaan xogo majara-habaabin ay qurxiyeen ah si ay u rumaystaan ama uga baqaan dadka magaca leh ama ganacsatadu, kaddibna ay lacag ku bixiyaan joojinteeda ama sii wadisteeda. Arrintaas oo ay warbixintu ku tilmaamtay aragti mu’aamareed.

Waxa ay warbixintu tusaale u soo qaadatay dhacdooyin noocan ah, oo ay ka mid tahay, 580 kun oo doolar oo lagu kala qaatay ol’oleyaal siyaasi ah oo warbaahinta bulshada laga dhex samaynayey. Doorashooyinkii dalka Baraasiil oo siyaasiyiin gaar ahi internet ka u adeegsadeen in ay helaan lambarrada taleefannada ay dadweynuhu sitaan, kaddibna ku dareen kooxo WhatsApp ka ah, oo lagu taageerayo.

Doorashooyinkii u dambeeyey ee dalka Hindiya, ayaa murashaxii guulaystay oo ah raysalwasaaraha hadda, Narendra Modi waxa uu hawlgeliyey 1.3 Milyan oo dhalinyaro ah, oo ka shaqeeyey in dadka ay ku qanciyaan in ay soo dejistaan barnamaijyo u gaar ahaa raysalwasaraha wararkiisa, oo lagu faafinayey warar ol’ole oo mararka qaarkood khiyaamo ku jirto ama muran bulshada ka dhex abuurayey.

Basaasidd

Warbixinta Freedom House waxa ay sheegtay in internet ku uu noqday aalad ay dawladaha cabudhintu dadka ku basaasaan, meelaha ugu daran ee adduunka maanta internet ku dhibaatada ku noqday muwaadiniintana waxaa ka mid ah dalka Shiinaha oo si aad ah ugu adeegsada basaasidda iyo la socoshada muslimiinta gobalka Uyghurs, iyo xitaa dalka Maraykanka oo ay wakaaladaha dawladdu ay baadhiso sharci darro ah ku sameeyaan kuna dabagalaan baraha bulshadu ku kulanto ee ay leeyihiin dadka soogalaytiga ah iyo dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha soogalaytiga.

Dalalka Afrika iyo bariga dhexe ayaa ay sheegtay warbixintu in ay yihiin kuwa ugu badan ee muwaadiniintooda ku basaasa internet ka.