Maxamed Kaahin Reerka Garxajis oo Kaliya ayuu Soomaaliweyn u Yaqaanaa Kuwa Reerkoodana Wuu U Shafeeco Qaadaa Sida Riyo-raaca uu Wato

Waxaa Cadaalad darro iyo Nusqaan ah in Maxamed Kaahin oo Sheegta Mujaahid Dalka usoo Halgamey
Uu Maalin Walba Beel dhan oo halgan naf iyo maalba leh dhibaato iyo Jid dheer dalkan iyo Dadkaba lasoo Qeybsatey uu Kaligood ku Xajiimeeyo kuna Cambaareeyo, Waa Soomaali-weyn iyo waa Faderaal iyo Waa Xamar isagoo sigaar ah Uurxomada uu u Qabo uga Faa,ideysanaya Beesha Garxajis kaligoodna ugu gaar Yeelaya, Taas oo aan Mar aheyn laba aheyn laakiin Boqolaal jeer uu kaga Dhawaaqey Fagaarayaal iyo Goob Bulshada Somaliland Wada joogto.

Miyaanay Cadaalad Darro iyo Daciifnimo Shakhsiyeed ku aheyn Marka uu Casiis iyo Walli Soo Daahirey, ka dhigayo Ninkan uu Sandulaha kaga dhigay Caqabadana ugu abuurayo Komishankii iyo Dimiqraadiyadii Somaliland (Ina-Riyo Raac), Muxuu u Qarinayaa Soomaali-weyntii uu kasoo Noqdey Wasiir-kuxigeenka Hadii uu ahaan lahaa Ninkaasi Nin Xisbiga Wadani Watto oo Garxajis ah Waxaan Muran ka taagneyn in uu Qeylo Labada Daan ka Wadhi lahaa illaahay Dulqaad Weynaa Waaka arkaya Cadaalad daradaa iyo.Munaafqadaa Uurka ugu Jirta Maxamed Kaahin ee haddana Dubihiisa Maalin kale u Dhiganaya.

Micno maleh Waa loogu Seeto Dheeraynayaa si uu uNoqdo Khasnadihii Dunuubta, Waxaa Xusid Muddan mar uu U Duurxulayay Siyaasiga Ismaaciil Buubaa Waxa uu Sheegay in aanu Xisbigooda Kulmiye Nadiif ka yahey, oo aanu Horeyso.iyo Dambeyso Marnaba kamid Noqonaynin Nin Xil Kasoo Qabtey Soomaaliya, hadalkiisu Wuxuu ujeedaa markaa Reerkaa Garxajis ayuunbaa Soomaali Weyn ah Laakiin Ragga Tirada Badan ee Beeshiisa iyo Beesha Madaxweynaha kasoo jeedaa ma aha Kuwa halkaa tagey ee Waa qaar ay u Shafeeco Qaadeen.

Cudurka Kaa Galla Fardaha Hadii Laga Gubo Dameer Dawada Lama Gaadhayo(Cudurka iyo uurxumada Wasiirka Daakhiligu u Qabo Reerka Garxajis iyo Habaryoonis), Waa mid ka Turjumaysa Shakhsiyadiisa iyo Cadaalada uu Faro.madhan ka joogo, Ninkaa uu Maanta Dalkii Dhamaa iyo Mustaqbalkii.Somaliland ku Ijbaarayo Marka.Xisbiyahanimadiisa iyo ololihiisa iyo aflagaadadii.uu Geystay laga tago Qodobka kaliya ee aanu Komishan iyo Dhexdhexaad ku noqonaynin Waa Nin Xil kasoo Qabtey Dawllada Xamar oo uu Dabrayo qodobkaa uu Reerka Garxajis ku Cambaareynayo ee uu Halgankoodii iyo Tacabkoodii Somaliland ku Baabiinayo illaahaw Caadil, Waxaan.Leeyahey Dhaarta iyo Axdiguba Ku Qabey uurxumadana Godka Ayaad la gali Doontaa.

Najiib Ismaaciil Maxamedv
Gabiley Somaliland
Tell:0634466339