Somaliland: Weerar Aar-goosi Siyaasadeed u muuqday oo Madal Madaxweynuhu Joogo ku Dhexmaray Masuuliyiin Xukuumadda Kulmiye ka tirsan

Hargeysa (SalaanMedia)- Guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha iyo Arrimaha Qaxoontiga ee Somaliland Mr. Cabdikariin Xuseen Xinnif, ayaa hadal u muuqda aar-goosi siyaasadeed oo xilli hore dhexmaray kula dul-dhacay Maareeyaha Mad-bacadda Qaranka Maxamuud Raage oo ku marti-qaaday Xaflad lagu daah-furayey ballaadhin iyo casriyeyn lagu samaynayo Madbacadda.

Munaasibadda lagu daah-furayey mashruuca oo uu goob-joog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, waxa uu Guddoomiye Cabdikariim Xinnif hadalka uu ka jeediyey ku beyaamiyey dulmi iyo duruufo ay qabaan Shaqaalaha Madbacaddaasi ka howl-gala oo uu sheegay inay mushahar la’aan yihiin, sidaas awgeedna aan loo baahnayn  ballaadhinta dhismeyaasha iyo qalabka iyadoo Shaqaaluhu Mushahar la’yihiin.

Khilaafka-siyaasadeedka gaamuray ee Xinnif ku dillaaciyey xafladda, ayaa ku aroora khilaaf soo kala dhex-galay laba masuul oo ka tirsan kaadiriyiinta Kulmiye xilli ay labadooduba xilal ka hayeen Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo.

Si aad u akhrisato Faahfaahinta Warkan oo Dhammeystiran, Guji Sawirka Hoose Â