XUKUUMADA MADAXWAYNE BIIXI OO TAHLI WAYDAY JAWAABTA DHALIILIHI DR GABOOSE IYO HADALADA XUBNIHII UHADLAY OO SI SHAKHSI WEERARAY!

Hargaysa (Salaanmedia.com)- Xukuumada madaxweyne Biixi iyo xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ayaa si wada jir ah ugu jawaabay dhaliilihii uu u soo jeediyay Dr.Maxamed Cabdi Gaboose

Madaxda xukuumadda iyo KULMIYE ayaa waxa ay Dr. Gaboose eedo uga dhigeen inuu qiime qaali ah ka dhigay adeegyada cisbitaalka uu gaarka u leeyahay. Wasiirka warfaafinta Maxamed Muuse Diiriye oo u warmay laanta afka Soomaaliga VOA uu yidhi “ Gaboose dawladii jiray oo dhan ayuu xilal ka soo qabtay Maxamed Xaaji Ibraahi Cigaal muddo kooban ayuu xilka hayay waxa uu ahaa ninkii saqda dhaxe warqada is casilaada ah soo qoray, dawladii Siilaanyana wuu ka soo shaqeeyay isaga oo leh musharax ayaan noqonayaa oo xil doonaya markii waxii uu qaadi karaayay uu qaaday ayuu yidhi xisbi baan furanayaa waan ka tagayaa wasaarada arimaha gudaha ayuu markaas joogay oo dhaqaale badan ayaa ku socday, Gaboose waxa uu ahaa ninkii kaligii maxkamada noqday, hadana shir beeleedkii ka qaybgalay markuu beelaha ka hadlaayo isagaa dadka kala fogaynaaya ka mid ahaa, dhakhtarkiisu waa dhakhtar weyn iska daa ka fiqiirka ahoo ka aan haysan ee aan qaadi karayn uu lacagta ka qaado, waxa haboonayd waxa fiinayd inuu u naxariisto lacagan uu ka qaadayo, waxaan odhan lahaa taas ka shaqee, meel dhibaato ka taagan tahay ma jirto hadaanu isagu abuurayn.”

Wasiirka warfaafinta oo la waydiiyay waxa ka jira dhaliilaha ammaan ee Dr.Gaboose jeediyay waxa uu yidhi“ Nin la yidhaahdo Wabar ayaa galbeedka laga hadal hayay Caawa iyo xalayba odayaashisii iyo haldoorkiisii oo dhan way ka hadleen way degantahay hawshu,waxay yidhaahdeen qof ayaad tahaye ku soo noqo reerkaagii dawlada Itoobiya iyo dalka aanu jaarka nahayna waanu ka wadahadalnay in aan wax dhaq dhaqaaq ah aanu ka iman hawl dhamaatay weeyaan taasi,Jabhada uu sheegayaa waa inta Caare intaasna waa uu maqlaayay kamuu hadal maalin kaliyaata oo muu odhan waa qalad in dalka jabhadlo laga sameeyo,ma markii odayashii iyo madaxweynii ay isku yimaadeen eela heshiiyay ee hawshii la dhameeyay ee labadii reer ee walaalaha ahaa ay yidhaahdeen hawshayada anagaa dhamaysanaynee ha nala daayo ayuu ka hadlayaa Gaboose , ma heshiiskooda ayuu diidan yahay ma odayaasha yidhi inamada waanu la soo noqonaynaa ee madaxweynaha ay wada-hadleen ee nabad lagu kala tagay ayuu diidan yahay, waa su’aal.”

Gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa ayaa dhankiisa ku eedeeyay Dr.Gaboose inuu dhaqaalaha ugu badan ku bixiyo jabhada Caare “Maxamed Cabdi Gaboose arintaas uu ka hadlay wax alle iyo wax ka jira ama jiraan, Gaboose waxa uu ku jiraa raga ugu ladan dalka ee dhakhaatiirta ugu waaweyn magaalada ku yaalana waa uu leeyahay maalintii waxa laga yaabaa inuu 300 qof oo min kontan doolar ah helo, maalintii raga ugu dakhliga badan inuu ku jiro ayaa laga yaabaa taasiba waxay kuu cadayn kartaa inay tahay nabada uu wadanka ku joogo, Gaboose nabada uu dhakhtarkaas weyn ku maamulayo ragbaa keenay waligiina maan arkin isagoo meel nabad ah ka shaqaynaaya oo nabad dhex taagan inuu dhaliilo waa ay jirtaa, waxa uu ka mid yahay Gaboose ragii gacan libaax abaabulayay ee go’aamada’aadka u qaldan ka soo saaray, waligay maan arkin shir beel Somaliland ay ku shirto oo aanay Somaliland ku taageerin waa shirkii ugu horeeyay, Somaliland dhexdeeda waxba kuma kala qarsoomaan waa la og yahay Gaboose inuu raga qaadhaanka ugu badan ku bixiya Caare, isaga oo umadda ku dhiig miiranaaya in xagana uu rasaasta u soo dhiibo oo ninka Caare la yidhaahdo uu yidhaahdo laa waa mid subaaxnale.”