Cumar Xasan Al Bashir Oo La Xukumay

Hargaysa (Salaanmedia.com)-Fadhig maxkamadda waxaa markii hore harreeyay dibadbaxayaal taageersan Cumar Xasan Al-Bashiir kuwaas oo qeylo billaabay markii uu Garsooraha ku dhawaaqi lahaa xukunka.

Waxay ku qeylinayeen in dacwadda ay tahay mid siyaasadeed, ka dibna garsooraha ayaa amray in ay ka baxaan maxkamadda gudaheeda.

Markaa ka dib waxaa Al-Bashiir lagu xukumay laba sano oo xabsi ah, mana la geyn doono xabsi caadi ah, balse waxaa lagu hayn doonaa xarun dhaqan-celin.

Waxaa lagu helay in uu galay dembi musuqmaasuq. Kiiskan waxaa xudun u ahaa $25 milyan oo dollar oo laga helay gurigiisa muddo yar ka dib markii xilka laga qaaday, horraantii sannadkan.

Cumar xasan Al-Bashiir wuxuu sheegay in lacagta ay tahay hadiyad uu ka helay boqortooyada Sacuudiga, gaar ahaan dhaxal-sugaha, Amiir Maxamed Bin Salmaan.

“Maxkamadda waxay dembi ku heshay Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir,” ayuu yiri garsooraha go’aanka gaaray Al-Sadiq Cabdiraxmaan oo inta ku daray: “Maxkamadda waxay go’aansatay in ay u dirto xarun bulsho oo loogu talagalay daryeelka iyo dhaqancelinta oo laba sano lagu hayn doono.”

Halkan Hoose KA Daawo