OGAYSIIS Guddida Jaaliyada Somaliland UK (SSUK) iyadoo gudanaysa xilka ay u hayso bulshada Somaliland ee ku dhaqan dalkan UK,

OGAYSIIS OGAYSIIS OGAYSIIS OGAYSIIS
Guddida Jaaliyada Somaliland UK (SSUK) iyadoo gudanaysa xilka ay u hayso bulshada Somaliland ee ku dhaqan dalkan UK, waxay si xushmad iyo milgo ku dheehantahay ogaysiinaysaa bulshada in muddo xileedkeedii dhamaaday oo la gaadhaay xiligii guddi cusub la dooran laha oo ku beegan maalinta Sabtida ah 14 December 2019.

Waxa hadaba laga codsanaya dhamaan xubnaha bulshada ka soo jeeda Somaliland ee ku dhaqan gobolada dalkan UK ee danaynaysa xubinimada Guddida Jaaliyada Somaliland (SSUK) ee buuxinaysa qodobada hoos ku xusan, inay ka soo qayb gasho doorashada ku qabsoomi doonta goobta : 1 A COCOON HOUSE, OFF LIME GROVE ROAD, MARKET APPROACH, W12 8EE saacadu markay tahay 4:15 galabnimo.

Qodobada laga rabo inay buuxiyaan: Gudoomiyaha iyo ku xigeen:
1. Qof muwaadin reer Somaliland ah, degen dalkan UK waxbarashadiisuna gaadhsiisantahay heer jaamicadeed shahaadada 1ad ama 2ad.

2. Inay leeyihiin khibrad hogaamiyeed ama soo qabteen shaqo bulshada wax tar u leh.
3. Inay diyaar u yihiin inay qaadhanka billaha ah bixiyaan.

4. Inay waqti u hayaan dhaqdhaqaaqa iyo hawlaha guddidu isla qaadato.
5. In aanay xil ka haynin xusbiyada Somaliland.

6. Inay diyaar u yihiin gudashada hawshooda kuna kicin fal ka soo horjeeda distoorka u yaala Jaaliyada Somaliland UK.
7. Inay yihiin dad si fiican ugu hadli kara, qorina kara labada luqadood ee Soomaaliga iyo Ingriisiga.

Wa bilaahi tawfiiq
Guddida SSUK
Haddii aad u baahato faahfaahin arrinkan ku saabsan, min fadlak nagala soo xidhiidh
07804613077 ama 07504635232