Nicolas Barlenga,Wakiilka midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay dilkii Qisaasta ahaa ee maanta xukuumadda Somaliland ku ….

Nicolas Barlenga, wakiilka midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay dilkii Qisaasta ahaa ee maanta xukuumadda Somaliland ku fulisay lix maxbuus oo hore maxkamaddi u xukuntay in la dilo.

” EU du waxay ka taagan tahay meel adag iyo mawqif cad oo ay kaga soo hor jeeso dilka qof loo dilaayo qof uu dilay. Xaalad kasta oo timaada iyo marxalad kasta” ayuu yidhi

Berlanga, ayaa sheegay in ay jiraan arrimo kale oo muhiim ah oo horyaalla Somaliland.

“Amniga, Doorashooyinka, Dayn cafinta, sharciga oo lagu dhaqmo, horumarka… dhammaanteen waan ognahay tiro dhibaatooyin si looga hor tago”

 

Source Xasan Galaydh