War-saxaafadeed:Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland & Wefti uu Hogaaminayo oo Dalka Jarmalka kaga qayb galay Shirweyne Caalamiya oo lagu gorfeynayey Horumarinta Beeraha Africa+Sawirro

Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland & Wefti uu Hogaaminayo oo ka qayb galay Shirweyne Caalamiya oo lagu gorfeynayey Horumarinta Beeraha Africa.

 

Berlin -Wasiirka Wasaarada Horumarinta Beeraha Somaliland , Mudane Axmed Muumin Seed iyo Wefti uu Hogaaminayo ayaa ka qayb galay Shirweyne Caalami ah oo lagaga Hadlayo Horumarinta Beeraha Africa.

(6th German-African Agrobissiness Forum)  kaasi oo ay ka soo Qayb galeen Wasiirada Beeraha ee Africa, Wasiirka Beeraha iyo Cuntada ee dalka Jarmalka, in ka badan saddex boqol oo ergay oo ka kala socday caalamka iyo todobaatan wasiirada beeraha ah oo ka kala yimid qaaradaha dunida,  baanka horumarinta afrika, deeq bixiyeyaasha, midowga yurub iyo midowga Afrika, Safiiro iyo Shirkado caalami ah.

Wasiirka cuntada iyo beeraha ee dalka jarmalka  Julia Klöckner oo furtay shirka ayaa dalkeeda kusoo dhoweysay kasoo qayb galayaasha shirkan.

 

Shirka ayaa lagaga hadlay iskaashiga dhinaca beeraha, sidii kor loogu qaadi lahaa waxsoosaarka,  sidii loo suuq geyn lahaa isla markaana la isaga kaashan lahaa in dal waliba waxa uu soo saaro uu u suuq geeyo  dalalka kale, dhibaatooyinka qaarada Afrika ka haysta dhinaca wax soo saarka iyo isbedelka ku yimid cimilada dunida.

intii shirku socday ayaa kulamo gooni gooni ah uu wasiirka horumarinta beeraha somaliland  mudane axmed muumin seed waxa uu la yeeshay wufuudii shirka kasoo qayb gashay oo ay ka mid ahaayeen wasiirada beeraha ee dalalka Uganda, Kenya iyo Ethiopia.  Waxa kale oo uu wasiirku kulamo la qaatay maal gashadayaal caalami ah oo uu uga waramay fursadaha maalgashi ee ka jira somaliland, iyagoo dhankooda usoo bandhigay sida ay u xiisaynayaan inay maalgashi ku sameeyaan Somaliland, gaar ahaan dhinaca wax soo saarka beeraha.

Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed iyo weftigii la socday  ayaa sidoo kale waxay u qaybiyeen ergadii shirka kasoo qayb gashay warbixin guud oo ka hadlaysa waxsoosaarka beeraha Somaliland iyo sidii beeralayda dalkeena looga caawin lahaa dhinacyada aqoonta casriga ah ee wax beerashada iyo suuq geynta.

Shirkan ayaa ah fursad qaali ah oo Somaliland uga faa’iidaysan doonto horumarinta dhinaca beeraha iyo adeegsiga hababka casriga ah ee beerashada dalagyada kala gadisan.

Wasiir Axmed Muumin Seed ayaa intii uu shirku socday waxa uu halkaasi kula kulmay qaar ka mid ah wasiirada beeraha Afrika iyo  wasiirka cuntada iyo beeraha ee dalka Jarmalka, waxaanu wasiir axmed kala hadlay siday Somaliland iyo dalalkaasi isku weydaarsan lahaayeen aqoonta casriga ah ee dhinaca beeraha isla markaana beeralayda Somaliland u heli lahaayeen suuqyo ay u iib geeyaan wax soo saarkooda.

Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland mudane Axmed Muumin Seed ayaa tan iyo markii uu qabtay xilka wasaarada waxa uu ku dadaalay sidii uu horumarin ugu sameyn lahaa guud ahaanba wax soo saarka dalka ee dhinaca beeraha iyadoo dhanka kalena xidhiidho caalami ah lala yeelanayo dalalka caalamka si la iskaga kaashado isla markaana la wadaago aqoonta beeraha,  taasoo ujeedada laga leeyahay tahay sidii Somaliland u gaadhi lahayd isku filaansho dhinaca cuntada ah.

Wasiirka beeraha ee dalka Ethiopia Mr.Tefera Deribew  oo ay shirkan ku kulmeen ayaa wasiirka beeraha ee somaliland u fidiyay martiqaad rasmi ah oo ka dhici doona caasimada itoobiya ee Adis Ababa.

Maxamed Cismaan Dubbe

Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Lacagta ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha