Xildhibaan ka tirsan dawlada Somaliya oo sheegay inuu ka badbaaday weerar la doonayey in lagu khaarajiyo.

Xildhibaan ka tirsan dawlada Somaliya oo sheegay inuu ka badbaaday weerar la doonayey in lagu khaarajiyo.

 

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu rasaaseeyay xalay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland

Xildhibaanka oo magaciisa la yiraahdo Faarax Maxamed Dalmar ayaa dabley aan la garaneyn ay rasaas ku fureen xilli uu sii galayay hoyga uu ka dagan yahay magaalada Garoowe.

Faarax ayaa sheegay in la rasaaseeyay, balse uu ka badbaaday, ka dib markii uu iska difaacay weerarkii lagu soo qaaday sida uu sheegay

Xildhibaan Dalmar ayaa weerarka ka dib bartiisa Facebook ku soo qoray “Hadday Aniga igu taamayaan Tiir Biraan ahaye alxamdulilaah waan Nabad Qabaa”.

Lama oga illaa hadda cida weerartay xildhibaanka iyo sababta ka dambeysa, balse ciidamada amaanka Puntland ayaa sheegay iney wadaan baaritaano arintan la xiriira.