Shirkadda HASS PETROLEUM oo Dacwad ka gudbinaysa Wasiir Qambi oo eedaymo Amniga ka dhan ah u jeediyey

Hargeysa (SalaanMedia)- Shirkadda Shidaalka ee Hass Petroleum oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee Shidaalka Keena Somaliland, ayaa iska fogeysay eedayn uu wasiirka Hawlaha Guud Somaliland maanta ugu jeediyey inay shirkaddu maalgeliso maleeshiyaad amni-darro ka wada gobolka Buuhoodle.

Guddoomiyaha Shirkadda Hass Petroleum, Cabdirisaaq Ibraahim Ataash, ayaa sheegay inay shirkad ahaan sharciga la tiigsan doonaan Wasiirka Hawlaha Guud haddii aanu keenin Caddaymo u markhaati-furaya eedaymaha uu ujeediyey shirkadda.

 

https://www.youtube.com/watch?v=vOWOZWJrQDk