Hargeysa (SalaanMedia)- Suldaan Axmed Maxamed Colhaye (Abu-salmaan), ayaa soo dhaweeyey go’aanka ay Xukuumadda Somaliland iyo Ganacsatada Jaadku isla qaateen ee ah in Qaadka la joojiyo muddo bil ah, kaas oo uu ku bogaadiyey Guddiga heer Qaran ee ka Hortagga Sadhada Covid-19 oo go’aankan u qaatay yaraynta faafitaanka Cudurkaas.
Waxa uu Suldaan Abu-Salmaan Madaxda Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Dowladda Jabuuti u soo jeediyey inay Bisha Ramadaan joojiyaan Qaadka sida ay Somaliland ka yeeshay oo kale, waxaanu Hambalyo iyo bogaadin u diray Bulshada Somaliland iyo guud ahaan Shucuubta Islaamka Bulshada Islaamka Bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed.
Suldaan Axmed Maxamed Colhaye (Abu-Salmaan), waxa uu si guurtinnimo leh uga hadlay Shaqaaqada dhawaan ka dhacday deegaanka Fadhigaab oo ka tirsan degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag oo uu labada dhinac ee dhibtu dhex-martay iyo dowladdaba baaq u jeediyey.