Waa Kuma Wasiirka Reer Yurub Ee Isku Dilay Markii Uu Haleelay Cudurka Coronavirus

Wararka ka imanaya dalka Jarmalka ayaa sheegaya inuu wasiir ka tirsan wasiirada dalkaas isku dilay sabab la xidhiidha cudurka sida weyn  ugu faafaya addunyada ee Coronavirus.

Wasiirka Maaliyada ismaamul goboleedka Hesse ee waddanka Jarmalka Thomas Schaefer ayaa nafsadiisa gooyay, waxaana meydkiisa laga helay agagaarka waddo tareen, sida uu xaqiijiyay Volker Bouffier oo ah gudoomiyaha gobolka ay dhacdadan ka dhacday.

“Aad baan uga murugooday waxa dhacay, waan aamini la’nahay, anfariir ayey dhamaanteen nala tahay” ayuu yiri Bouffier oo saxaafadda la hadlaayay.

Wararka waxey intaas ku darayaan in dacawad oogayaasha magaalada Wiesbaden ay rumeysan yahiin inuu wasiirka isaga naftiisa gooyay, balse lama helin wax faah-faahin ah oo ku saabsan qaabka uu isku dilay

Valueimpression Placeholder

Sidoo kale Booliiska iyo Xeer Ilaalinta waxey si wadajir ah u sheegeen iney arkeen xaqiiqooyin, sidoo kalana wareysiyo  lala yeeshay dad goobta ku sugnaa waxey qirayaan in masuulka uu isaga is dilay.

Mr. Schaefer ayaa muddo sanado badan ah ka shaqeynayay Wasaaradda Maaliyadda Maamulka Hesse ayaa ku hawlanaa sidii uu ula tacaali lahaa saameynta shirkadaha iyo Dhaqaalaha uu ku yeeshay fayrus-ka adduunyada gilgilay ee Coronavirus.

Wasiirka naftiisa is dhaafiyay iyo hogaamiyaha gobolka Volker Bouffier ayaa xiriro dhanka siyaasadda ah la leh ra’iisul wasaaraha Jarmalka Angela Markel oo qudheeda loo karantiilay sabab la xiriirta Coronavirus.

Masuulka geeriyooday oo ay dadka Jarmalka ixtiraam badan u hayeen wuxuu ka geeriyooday laba caruur ah iyo hooyadood, waxaana la filayaa in noloshooda inta ka dhiman ay damaanad qaadeyso dowladda Dhexe wadanka Jarmalka.