Doorashada Soomaaliya Maku Qabsoomi Kartaa Xilligeeda ?

– In muddo ahba waxaa isasoo tarayay walwal ku saabsan in saameynta coronavirus ay taabato jadwalka doorashada Soomaaliya.

Midowga ayaa walaac ka muujiyay in dib loo dhigo doorashada dalka Soomaaliya ka dhici doonta.

Wakiilka EU-da ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka waxa uu ku sheegay in Midowga Yurub ay ka walaacsan yihiin cawaaqib xumo ay suuragal tahay inay ka dhalato taariikhda cusub ee loo qabtay in guddoomiyaha guddiga doorashada Soomaaliya ay hor tagto Baarlamaanka Federaalka.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda ee Talyaaniga Emanuela Del Re ayaa sheegtay in xilligan oo ay jirto xaaladda safmarka corona uu waddan kasta la imaan karo go’aanno saameyn weyn abuuri kara.

Waxay hoosta ka xariiqday in dalkeeda Talyaaniga uusan faragalineynin go’aannada ay dalalku gaaraan, islamarkaana dal kasta uu u madax bannaan yahay inuu go’aan qaato xilligan adag.

“Waxaan dhihi karaa in xilligan lagu jiro xaaladda deg-degga ah ee Covid-19 looga baahan yahay in waddamada ay go’aannadooda caalamiga ah qaadan karaan, taas oo dabcan aannaan annagu faragalin karin. Sidaas darteed waa inaan ixtiraamnaa go’aannada kasoo baxa waddamada, hoggaamiyeyaasha iyo dowladaha gartay inay qaadaan tallaabooyin ay ku wajahaan xaaladdan,” ayey tiri.

Emanuela Del Re ayaa dhanka kale sheegtay in dood noocaas ah ka jirto midowga Yurub dhexdiisa.

“Waad ogtahay xitaa Yurub waxaa jirta dood ku aaddan arrintan, waayo guud ahaan waan ognahay in Covid-19 uu hab cusub u baddalay nolosha qof walba. Waxaan ku khasban nahay inaan dib u dhigno munaasabado badan, tusaale ahaan waxyaabihii ugu xiisaha badnaa – sida ciyaaraha olombikada – balse intaasoo kaliya ma aha, waxaa jiray munaasabado ku saabsan Afrika oo aan dooneynay inay dhacaan sanadkan, laakiin ma sameyn karno waxaana dib u dhigeynaa ilaa sanadka xiga, taasina micnaheeda ma aha inay rajadeennu lunto.”

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa BBC-da kala hadlay walaac laga qabo in dib u dhigista furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka ay horseeddo dib u dhac ku yimaada doorashada Soomaaliya.

Saameynta ka dhalatay cudurka Covid-19 oo Soomaaliya gaaray ayaa sababtay in la hakiyo howshii Baarlamaanka, taasoo udub dhexaad u ahayd hannaanka doorashada xigta ee dalka.

Hase yeeshee, guddoomiye Mursal ayaa ku adkeystay in xal loo heli doono sidii doorashada xilligeeda loo qaban lahaa.

“Waxaan rabaa in hal qodob si fiican loo fahmo. Sharcigan doorashada waxaa loogu talagalay baarlamaanka, oo kala ah Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare. Muddooyinkii ugu dambeeyay ee aan kasoo gudubnay oo ay ugu dambeysay 2016-kii, doorashada la aadi jiray waxay ahayd doorasho dadban, marka waxa la dooranayo waa 275 xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 54 oo Aqalka Sare ah, sidaas awgeed waxay ila tahay intaas xal loo waayi maayo”.

“Waxaan magacownay guddi kasoo shaqeeya qodobbada ka dhiman sharciga doorashooyinka, iyagoo kaashanaya guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka, howshiina way wadaan inkastoo arrintaan coronavirus ay u saamixi waysay shaqooyinka qaar, laakiin shaqo fiican ayey qabteen ilaa hadda, waxaana aaminsan nahay inay soo dhammeystiri doonaan, waqtigii loogu talagalayna ay doorashada dhici doonto”, ayuu yiri guddoomiyaha Baarlamaanka.

Wuxuu Mursal meesha ka saaray suurtagalnimada in la kordhin doono muddo xileedka Baarlamaanka iyo madaxweynaha.

“Waddankan dastuur ayuu leeyahay, dastuurkaasna xilli ayuu ugu talagalay muddada xil-heynta Baarlamaanka iyo midda madaxweynaha. Waxaan rabnaa intaan xilligaas la gaarin ka hor inay doorasho dhacdo”, ayuu yiri Guddoomiye Mursal.