Daladda NAFIS NETWORK oo Bulshada gobollada Togdheer iyo Maroodijeex u Qaybisay Agab Caafimaad iyo Mid Waxbarasho

Hargeysa (SalaanMedia)- Dalladda Nafis Network oo ka shaqeysa la tacaalida Aafada Gudniinka Fircooniga, ayaa maanta gaadhsiiyeen agab kala duwan oo isugu jira mid caafimaad iyo mid waxbarasho dadweyne kala duwan oo isugu jira Haweenka ku nool goobaha barakacayaasha dalka iyo sidoo kale agab caafimaad oo wakhtigan ka hortagga Xanuunka Covid-19 lagula tacaalayo.

Dallada Nafis Network oo kaashanaysa hay’adda Plant International, ayaa Agabkan kala duwan Ku Wareejinayso Bulshada ku nool gobolada Maroodijeex iyo Togdheer.

 

Dhinaca Kale Dallada Nafis Network waxay Warsaxaafadeed Ka soosaartay kor u kac ku yimid wakhtigan saameynta Xanuunka Covid-19 iyo Gudniinka Hablaha.

 

Warkan oo Faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose