Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo U Hambalyeeyay Shacabka Jamhuuriyada Somaliland 60 Guuradii Ka Soo Wareegtay 26 June

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo U Hambalyeeyay Shacabka Jamhuuriyada Somaliland 60 Guuradii Ka Soo Wareegtay 26 June salaanmedia/Hargeisa…

 

Waxa aan salaan, hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Shacabkayga Jamhuuriyadda Soomaalilaan, xuska munaasibadda 60-dan guurada 26-June 1960-kii markii aynu xornimada ka qaadannay Boqortooyada Ingiriiska kuna beegan maanta oo Jimce ah. Waxaa faan iyo taariikh inoo ah in aynu nahay curadkii Soomaalida oo dhan u horseyday Xornimada.

Ilaahay-na waxa aan inooga baryayaa in sannadkan kiisa kale inagu gaadhsiiyo, midnimo dhexdeenna ah, aqoonsi caalami ah, horumar-waara, doorashooyin xor iyo xalaal ah, Ilaahayna ku dhowro Shacabka Soomaalilaan adkaysiga iyo dhabar-adaygga ay u sameeyeen qarankooda ay halganka dheer u soo galeen, Dalkeenna Soomaalilaanna guul iyo gallad Eebe korkiisa ha saaro.

Cabdiraxmaan Cirro.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI.