Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Tacsi:Aabaha Dhalay Xildhibaan Ilhan Cumar Oo U Geeriyooday Covid-19

Tacsi:Aabaha Dhalay Xildhibaan Ilhan Cumar Oo U Geeriyooday Covid-19 salaanmedia/Hargeisa…

Xildhibaanada asalkeedu Soomaaliga yahay ee  Ilhaan Cumar kana tirsan aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa shaacisay in aabaheed geeriyooday, kadib fariin ay soo dhigtay baraha bulshada  ay ku leedahay.

Ilhaan Cumar ayaana fariinteeda oo murugo xumbaarsaneyd ku sheegtay in uu geeriyooday aabaheyd Nuur Cumar Maxamed, mana sheegin Ilhan xanuunka uu u geeriyooday aabaheed.

Warbaahinta dalka Mareykanka qaarkood oo ka hadlay geerida aabaha dhalay Xildhibaan Ilhan Cumar ayaa sheegay in uu u geeriyooday cudurka safmarka ah ee Caronavirus uu la xanuunsanaa.

Ilhan Cumar oo ah gabar muslim ah asalkeeduna Soomaali yahay ayaa kamid noqtay xildhibaanada ugu caansan Mareykanka , waxa ayna marar badan dagaal siyaasadeed la gashay Madaxweynaha Mareykanka trump.