Dowlad-aloolkii Soomaaliya iyo Doodii Dhuusomareeb.

Dowlad-aloolkii Soomaaliya iyo Doodii Dhuusomareeb.

 

Waxa maalmo Ka hor soo xidhmay shirkii ka dhacay Magaalada Dhuusomareeb ee Dawlad Goboleedka Galmudug, oo ay dhawaan Ku dooyeysteen Shanta Dowlad goboleed ee Soomaaliya iyo Xukuumada maqaar-saarka ah ee Farmaajo.

Magaalada Dhuusomareeb oo ah magaalo nabdoon oo kaladanbayn iyo haykal dawladeed leh, sidda awgeed waxay kasbatay in ay kulmiso dowlad gobaleedadii Soomaaliya oo idil, ammaanka ay sugtay kasokow  waxay usoo dhawaysay  si diiran oo gacaltooyo leh dhamaan madaxweynayaaahii dowlad goboleedada iyo Martidiiba, waxayna si gaar ah markii ugu horaysey ay ciidan Soomaali ah ilaalo uga dhigtay madaxweyne Farmaajo oo shishiiye goor iyo ayaan garbo joogi jireen iyaga iskaga deyraaya dad Soomaali ah oo cadaw lagu sheegaayo ,farmaajo waxa uu Iska soo horeysiiyey raysal wasaare Khayre si uu dawlada galmudug ugu qanciyo in Farmaajo askar shisheeye ah mooyee aanu Ku kalsoonayn askar Soomaali ah, hase yeeshee dowlada gogasha fidisay ganafkay ku dhufatay qorshahaa  lagama aqbalin khayre dalabkii  in uu ciidamo shisheeye ah uu la yimaado Farmaajo Dhuusomareeb, Xarunta shirku Ka dhacaayey  ameenkeeda aad ayaa loo sugay, siddoo kale goobta waxay ahayd mid si here Sare ah loo habeeyey oo si farshaxanimo Ku dheehantahay loo qurxiyey loona nashqadeeyey, goobta horteeda waxa laga qotomiyey oo lataxay Calamaan tiro badan oo aragtida sheeda markaad Ka soo dhuganayso aad moodayso goobta, xaruntii Qaramada Midoobay waxa Calan caynba cayn ah ee hor Qotoma awgeed, rugta marka Gudaha loogalo waxa lagu dhex xardhay oo lagu dhex nashqadeeyey sawirada astaamaha qaran u ah dowladaha goobta isku wajahaaya,kuwaas oo ahaa astaamo sawiro kale gedisan, waxaana Ka Mid ahaa muuqaalada summadaha Ku dhex yaalay sidda Fool-maroodi, Girgire/burjiko, SHabeelo, Bisaas iyo Baqal naaxday,

Kulanka shírka waxa sababay in mudo xileedkii ay shisheeyuhu u igmadeen dowlada Maqaar-saarka ah, ay gebogebo tahay siddaa awgeed waxa laysku ogaa in wakhtiga Maqaar-saarku marka uu dhamaado in lakeeno dowlad muwaadiniinta Soomaaliya leeyihiin oo shacabku igmado taas oo Ku imanaysa qof iyo cod, waxa jirta in dowlada Farmaajo ee maqaar-saarka ahi Soomaaliya kaga sugantahay Gobolka Banaadir, kaasna ayna awoow ay Ku  maamusho lahayn, Se ay uga dhigtay shisheeyahaa garbaha hayaa goob shacabka tacadi ugu gaystaan oo keli. Dalka intiisa kalana ay Ka jirto nabad , xasilooni iyo Kala danbayn ay suuro geliyeen dowlad goboleedo. Siddaa awgeed marka runta lagu hadlaayo cidda talada Soomaaliya ay ka go’aysaa ay tahay dowlad goboleedada,

Waxay ahayd dhawaan markii uu barlamaanka af-yuurura ee dowlada Maqaarsaarka ah isku weheshadaan Muqdisho  uu ansixiyey qaabka doorashadu u qabsoomi doonto oo uu ku ansixiyey qof iyo cod, uuna saxeexay Farmaajo, waana kii Shirka hortii Marwo Xaliimo yarey gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Dhuusameeb usii diray si ay ugasii raarido qorshahiisa qof iyo codka ee uu mudo kordhinta  uu Ku helaayo.

Haddaba doodii Dhuusomareeb Farmaajo muxuu Ka faa’iiday madaxweynayaasha dowlad goboleedka ina maxay Ka koredhsadeen.

Dowlad gobaleedku waxa ay meesha Ka muujiyiin in ay yihiin dad isku duuban iyo masuuliyiin xilkas ah, maadaama ay nabad sugan ay Ka jirto deegaamada ay Ka masuulka yihiin ciidama difaaca oo nabad dhowra oo Soomaali deegaanka u dhashay uu dowlad goboleed kastaa haysto aanay u baahnayn shisheeye deegaankooda la maamula oo dakhli ku qaata, waxay muujiyeen inay soomaaliya ay shirinkaraan si nabadgelyo leg oo aanay Karikarin dowlada Farmaajo se iyagu karikaraan, waxa kale oo cad’daatay cidda go’aanka Kama danbaysta ah inay yihiin madaxweynayaasha Dowlad gobaleedada maadaama gobalka Banaadir mooyee Dalkii Soomaaliya intii kale gacanta ugu jirto, markaa siddaa ay iyagu doonayaan ama u go’aamiyaan wakhtigan xaadirka ah, waa in doorashada loo galaa taas oo ah SI DADBAN, waana in wakhtigan xaadirka ah meesha laga saaraa doorasho qof iyo cod ah, sidda ay isku raaceen madaxweynayaasha Dowlad gobaleedadu,waayo shacabka Dani uguma jirto, aan ahayn kharash badan oo lagu lunsado iyo Farmaajo oo mudo booli ah meesha garbaha lagu sii hayo mooyee,

Dhanka Farmaajo waxa uu Ka faaiiday Sawirkii uu la galay ee uu isagu gaarka u fadhiistay madaxweynayaashii Dawlad goboleedadana iyo raysawasaare khayre geesaha iska soo fadhiisiyey, musawirkaa oo uu gato oo uu caalamkaa ka iibiyo oo uu yidhaahdo Xamar in aan yuururay haddii laygu ogaa baldaya waanigaa Dawlad gobaladii isoo wada hor fadhiistaye ee aan ku shiriyey galmudug, inkastoo hubaal tahay in shírka hoosta ka shisheeye dusha ka Soomaali uu caalamka u fadhiyey oona war Ku seeganeyn se Farmaajo indho adeeg waa xirfadiisa qudha oo sawirkaa waxbuu ku baayici, maxaayeeley ma ninka indho adkaantiisa Ku qudbadeeyey dawladeenii dhexe ee inaga burburtay wax dowlad ah taydaa Ku xigtay!!!.

Hadda waa xukuumadii shuuciga ahayd ee diintii madnuucday ee waddaadadii Soomaali diinta u hayey laysay ee Soomaali kala irdhaysay ee iyadu wax walba burburisay, haday tahay Soomaalinimo iyo wax wada lahaansho iyo dowladnimo AYUU leeyahay wey inaga burburtay waa Dhako kale!!

Tuu Ku sheegey tiisan shisheeyuhu garbaha hayo ee aan cago Ku taagnayn , yidhi wixii dowlado soo maray Soomaaliya ayey ugu wax tar badantahay!!,

Hadda waa xukuumada Xamar shisheeyuhu Ku hayo ee intii ay joogtay Tiro shacabkii ugu badnaa lagu laayey ,halayso argagixiso ama askartan shishiiyaha ah ee isaga Ku dayran ee iminkana dayaaradaha usoo wada, intuu joogtay Farmaajo waxay ahayd intii aduunku jiray suntii ugu badnayd ee meel lagu aaso in Soomaaliya qoorigeeda bada cad lagu aasay kuwaas oo Kala ahaa qashinka sunta ah ee warshadaha dalalka horey u maray iyo hadhaaga qashinka Nukliyeerka, Sidda ay xaqiijiyeen ururka u dhaqdhaqaaqa noolaha bada iyo bariga iyo bay’ada dabiiciga ah ee layidhaa “Greenpeace”, waxa lagu sheegey in Soomaaliya oo kaliya lagu aasay 43% sunta guud ahaan aduunka lagu aasay, Soomaaliya malaha hal  warshad ah oo samaysa walxo wax sun ahi Ku jirto, se waa sun lacag lagu qaatay si meesha loogu aaso ama duugo, inta Farmaajo joogay ayaa inta ugu badan lagu duugay bada inkastoo goobo aad u badan lagu aasay se Sidda urarkaasi sheegay xeebta ku beegan inta u dhexeysa labada magaalo ee Marka iyo Baraawe ayaa ugu badan goobta lagu aasay Sidda ay xaqiijiyeen,was goobo masaafo ahaan 15km u jira qooriga tahay, siddoo kale waxay sheegeen in waxyeelo aan Laga soo kaban Karin ay lasoo darsi doonto  jiilasha dhalandoona aayaha danbe ee Soomaalida ah ee ku nool deegaamada xeebta badweynta hindiya iyo siddoo kale kuwa quuta waxa xeebtaa kaluun lagala soo baxo, inkastoo wakhti siddaa u dheeeba kaluun lagu gaadhi doonin, waayo Farmaajo wuxuu ruqsad kaluumaysi siiyey dalka Shiinaha oo dalalka aduunku ka madnuuceen in ay kaluunka ka gadaan mooyee in aanu isagu Ka jilaaban Karin xeebahooda, waayo wuu xaalufiyaa bada maxaayeeley waxa Ku dhexnool bada iska daaye dhagaxaanta bada AYUU shiitaa oo isticmaalaa markaa Farmaajo isaga oo dawladii uu yidhi wey inaga burburtay waxay 21 sanadood ugu geesatay guud ahaan ummada Soomaaliyeed AYUU isagu wax Ka badan oo waxyeeladeedu socon doonto kumanaan sano AYUU mudo dhawr sanadood ah uu u geystey markaasuu welina faanaya !!.

Hadal iyo Dhamaan kulankii Dowlad-Aloolkii Soomaaliya iyo Doodii Dhuusomareen waxay kusoo gabagabowday Farmaajoy sii joogi maysid ee waa in Doorasho Dadban la qabtaa siday wadajir qalinka ugu duugeen masuuliyiinta ay taladu Ka go’ayso iyaga oo midaysan waa Shanta Madaxweyne Goboleed

1, Madaxweynaha Galmudug

Mudane Axmed Cabdi Kaariye ‘QoorQoor’

2, Madaxweynaha Hirshabeelle

Mudane Maxamed Caddi Waare

3, Madaxweynaha Puntland

Mudane Siciid Cabdullaahi Daní

4, Madaxweynaha Koonfur Galbeed

Mudane Cabdi-Casiis Xasan Maxamed ‘Lafta Gareen’

5 Madaxweynaha Jubaland

Mudane Axmed Maxamed Islaan ‘Axmed Madoobe’,

Iyagoo wadajirana hal cod Ku wada dhawaaqay balanteenu waa siddaa,

Iyo Farmaajo Maqaar-saar oo markii wuxuu rabay u socon waayey, goobtii Ka jaqaafiyey isagoo sii hoganaaya iyo aynu isku soo noqono markale ayey Dowlad-Aloolkii Soomaaliya Doodii kusoo xidheen.!

Beenay waa Run.

Fuad Fartaag

fartaagmuwaadin@gmail.com