Raadka Awoow Waxa Uu Kobciyaa Garaadka Iyo Xusuusta Raad-raac Taariikheed Ee Ubadka :

Raadka Awoow Waxa Uu Kobciyaa Garaadka Iyo Xusuusta Raad-raac Taariikheed Ee Ubadka :

Halkani waa tuuladii uu aasaasay awoowgood , waxa ku taala barkadii sida la sheegay u horaysay uu Talyaanigu dhulkan ka hirgeliyo waqti lagu qiyaasay dhammaadkii ilaa bilawagii 1942-1943 . Barkadan oo ahayd shub isku xidhan kor ilaa hoos waxa ay lahayd laba dabool oo sare oo loogu talo galay in laga cabo , marka laga fulana la xidhi jirey.

Sawirka labaad waa barkad labaad oo isla degaanka uu ha hirgaliyay aabahay ciyaalkan aan raadadkii hore tusayayna ahaa awoowgood , waxa barkadan sida uu qoraalka uu gacantiisa ku qorey ee carbiga ah ku muujiyay laba qaybood ee falaxeetada mid ka mid ah waxa uu ku qorey tawxiidkii iyo yaqiintii asalka ahayd ee uu rumaysnaa Allaah janooyinkiisa sare ha ku casuumo inaga iyo waalidiinteenba aamiin , kelmado macnahoodu ahaa ” Waxii Allah doono oo keliya ayuunbaa ahaanaya , waxa aan Allaah doonina ma ahaanayaan ” . Qoraalka faleexatada labaad ee carbiga ah waxa uu ku asteeyay taariikhdii uu dhamaystiray oo ahayd 04-11-1376 Hijriga oo ku beegnayd markii aan eegay 02-06-1957 taariikhda miilaadiga waa mudo qiyaastii 65 sano ka hor ah .

Sawirka muuqaalka saddexaad ee bogcada banaan waa goobtii ay ku dhasheen walaaladayda kale oo dhan aniga iyo saddex iga yaraa mooyee , waxa maansha Allaah goobtaas oo dhismihii ka dhisnaa baaba,ay ku dhashay dhawr iyo toban walaaladay ah oo qaar ka mid ahaa aanay hadda noolayn Allaah haw naxariisto iyaga iyo waalidiinteenba aamiin .
Waa hubaal inaad is waydiisay hadaba goobtu waa xagee ? waa tuulada Yucub-yabooh oo dhacda xadka ama uu maro xadka geesta bari ee inaga iyo Ethiopia . Tuuladaas uu Allaah haw naxariistee aabo aasaasay waxa ilaa hadda oday ka ah nin aanu walaalo nahay .

Allaah haw naxariisto walidiinteen dhammaan , booqashada dhulkii aabayaasha iyo awoowyada waa muhiim waxaad kasoo koradhsan doontaa wax badan oo dhaqankaaga , caqiidadaada iyo noloshaadaba kula garab gala.

Saleh Musa
Yucub-yabooh