Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Aqoonyahan Xaashi Axmed Xaashi Oo Shaaciyay In Uu U Taaganyahay Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Jamhuuriyada Somaliland

Aqoonyahan Xaashi Axmed Xaashi Oo Shaaciyay In Uu U Taaganyahay Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Jamhuuriyada Somaliland salaanmedia/Hargeisa

Somaliland Waa Qarran Curdin Ah Oo Gaadhay Horumar La Taaban Karo,Koboc Dhaqaale,Isdhex gal Bulsho,Wax wada qabsi,Walow Ay Bulsha-Waynta Reer Somaliland Ay Tabayso Doorka Ay Ku Leeyihiin Xildhibaanada Golayaasha Deegaanka Iyo Wakiilada.   Hargeisa Waa Magaala Madaxda Jamhuuriyada Somaliland. Caasimadan Hargeisa Waxa Laga Dareemi Kara Intii Dalka Lagu Soo Noqday Koboc Bulsho,Dhaqaale  Iyo Mid Dhismaba  Bulshawaynta Reer Hargaysi Waxay U Hamuun Qabaan xildhibaano Qabta Hawsha Loo Igmaday Kuna Suntan Waxqabad  Hadafkooga Iyo Himiladooduna Tahay Horumar Iyo Wax wada Qabsi,Bilicda Caasimada Haqab Tirka Bulshada.

Si Kastaba Ha Ahaate Aqoonyahan:Xaashi Axmed Xaashi Waxa Uu Ka Tirsanyahay Dhallinyarta Aqoonyahanka Ah Ee Ku Suntan Waxqabad Iyo Horumarka. Xaashi Axmed Xaashi Waxa uu U Taaganyahay Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa Aqoonyahan Xaashi Axmed Xaashi Waa Aqoonyahan Leh Karti Uu Ku Gudan Karo Xilka Duqa Caasimada  Umadana Wax Ugu Qaban Karo Hadafkiisuna Yahay Waxa U Qabashada Bulshada, Horumar,Dhisida Bilicda Caasimada,Samaynta Qorshayaal Wax Ku Oola,Haqabtirka Bulsha waynta Cadaalad,Sinaan

“U Codee Xildhibaan Xaashi Axmed Xaashi”