Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Kootada Haweenku Dastuurka Ayay Ku Taallaa, Kursi Baarlamaan Inay Fadhiistaana Maaha Furaha Masaajidka Ayaa Loo Dhiibayaa. Aayaha Ubadkooda Inay Ka Taliyaan Waa Waajib.

Kootada Haweenku Dastuurka Ayay Ku Taallaa, Kursi Baarlamaan Inay Fadhiistaana Maaha Furaha Masaajidka Ayaa Loo Dhiibayaa. Aayaha Ubadkooda Inay Ka Taliyaan Waa Waajib. 

 

Runtii waxaa qaddarin mudan hadalkii madaxweyne muuse biixi ka sheegay maalintii guddida doorashooyiinka uu la kulmay ee uu kusoo daray labadii qodob ee ahaa, kow kootada haweenka iyo beelaha gabooye la meel mariyo, ta labaad in la dhaqan geliyo doorashada soo socota inay kusoo baxaan kooto xaddidan. 

 

Waxaad moodda kootada haweenka in foodsaaro badan loo sameeyay, oo aan marna xaqiiqda jirta iyo dastuurka waafaqsanayn. Qaar waxay sheegaan inay diintaba ka soo horjeeddo, oo aan diinteenu u oggolayn, qaar dastuurka ayay ka been sheegaan, intay farta waaweyn isha mariyaan. 

 

Qaarbaa iyagu kaba sii foq oo kuraasida qabyaaladda lagu fadhiyo inay cidhiidhi galaan ka baqa, qaarna sidii dameeri dhaan raacday ayay u sacaba tumaan marka haweenka xaqooda la duudsiyayo. 

 

Si aynu madmadawga uga saarno kootada haweenka waxaa fiican inaynu faahfaahino dhaqan ahaan, diin ahaan, iyo dastuur ahaanba sida ay sharci ku tahay. 

Isma weyddiinayno haweenka ma loo oggolaadaa kootada, waxaase Meesha taalla xaqooda dastuuriga ah siday ku helaan. 

 

A)     Haddaynu ku horrayno arrinta dhaqanka, dadbaa ku dooda haweenku inay ragga soo dhex galaan, ama meel lasoo fadhiistaan, ama ay hantaan mansab ay bulshada wax ugu qabtaan, maaha wax wanaagsan.  

 

Waxaa jirtay gashaanti 15 ilaa 18 jira oo marka jiilaalku adkaado dhaan kaxaysa, oo reerka habeen iyo laba ka dhaxda, oo aan looga biqi jirin balaayo. Fiidka dambena reerka kusoo hoyan jirtay, oo weliba dheriga dhadhaari jirtay, iyadoon nasan. 

 

Waxaynu 30kii sano ee u dambeeyay soo marnay xaalado adag, oo wax inaga saara la waayay oon haween ahayn. Inta ay haweenku tareenna lama hayo xilligan wax u dhigma oo rag isku hawlay. 

 

Inkastoo haweenkeena fiica ahi badan yihiin, haddana ragganimadda waxaa kuugu filan tusaalahan kuwa maanta nool ee waxay qabteen aan muranku ku jirin. 

Hal iyo laba haddan ka tilmaano. 

  1. Hooyo Adna Aadan, oo dhakhtarkaa dawladaha qaar ka baqaan inay dhisaan mid la mida iyo xoogga ay gelisay. 
  2. Marwo Luul Xasan Mataan oo aasaastay xaruntii ugu horraysay, ee ubadka ay ka mid ahaayeen hablaha yaryar ee darbiyada iyo silica ku noolaa, ee xarunta uga samaysay Hargaysa, inay kaga badbaadaan hororka habeenkii ku weeraraya dugsiyada ay jiifsadaan, markay hoy iyo daryeel waayeen. 
  3. Marwo Faadumo Siciid oo aasaastay kuliyadda Badda ee Berbera, oo markay hirgelisay ay maanta tahay kulliyadda keliya ee Badda iyo Kaluumaysiga wax looga barto. 
  4. Marwo Baar Siciid oo noqotay xildhibaanka qudha ee sharafta usoo jiidday haweenka, iyo doodaha ay baarlamaanka ka jeediso. Tusaalena u tahay inay kaga wanaagsan tahay danta ummadda kuwa baarlamanka hunguriga iyo qabyaaladda la dhex fadhiya. 
  5. Marwo Foosiya Xaaji Aadan oo asaastay Jaamicadda Ummadda ee hargaysa, maantana aynu garanayno wax barashadu halkay marayso.. jaamicadaha kale ee qarankana haween ayaa yaqleelkooda iyo agabayntoodaba kow ka ahaa. 
  6. Marwo Khadra  Xaaji Gaydh oo ahayd ruuxii ugu horreysay ee haweena ee guddoomiye ka noqotay degmada Gebilay, ee waxtarkii ay bilawday ilaa maanta guddoomiyayaasha degmooyinka iyo kuwii Gebilay isaga dambeeyayba higsadaan. Kuna caan baxday inay gurigeeda iyo carruurteeda raashinka u kariso, meel lagasoo gaadho iyo meel lacag lagu wayddiisto la waayay, markii laga waayay dhacdhacii ragga laga heli jiray, iyo shaxaadkii dagaalka lagu soo qaaday si loo helo wax isweydaaris iyo laaluush. 

     

    Maanta isma weyddiinayno inay haweenku yihiin lafdhabarta jiritaanka Qaranka somaliland. Haddii raggu ku keliyaysan lahaana waa lagu kala guuri lahaa taladaa ragga. Sida aynu aragnay colaadaha ay ka abuuraan beelo walaalo ah oo wiil iyo abtigii kala irdhoobaan, foolxumada ka timaadda talo wiil. Oo inaabtigii dila. 

     

B)     Haddaynu xagga diinta ka eegno, dadbaa ku dooda haweenku waa cawro oo maaha inay guryahooda ka soo baxaan, ama waa inay guryaha ku ekaadaan, oo ubadka raashinka u kariyaan, ama inay ragga ku dhex jiraan waa xaaraan, iyo gaalo ayaa haweenka lumaysa, oo u horseedaya inay hoggaanka talada dalka ka mid noqdaan, ama shareecadu uma oggola inay baarlamanka galaan. 

 

Doodaha caynkaas ahi waa wax laga xishoodo in afka lasoo mariyo. Haddaad si baaxad leh u eegto, haweenku salaadda subax marka la tukado ayay dheelmadaan si ay meel saddex iyo afar kiilo mitir ah uga soo qaataan tamaandhada iyo khudradda ay bacadka maalin oo dhan la fadhido, ama ay waab yar oo shaaha ku gaddo jiidha waaberi rushayso, oo shaah iyo kibis ay dubtay ku diyaarisay, si ay uga gaddo dadka aroortii shaqo tagaya, ee rag jaad kastoo uu yahay ay suuqa ku kulmaan, sharaf iyo dadnimadeedana ay kaga amaan hesho. 

 

Markaynu haweenkeena u quudhno inay dhibkaas iyo darxumadaas weliba ay ubad korinayaan, aan cidi la daryeelaynin, oo habeenkiina ay dheriga u dhadhaarayaan, xagee lagu ogyahay haweenkii. Maan sheegin ruux dumara oo ay u gaadhay in laba iyo saddex hablood guriga uga shaqeeyaan, oo aan dhibkaa waxba ka ogayn. 

 

Nebigeenii SCW waxuu inoo sheegay in ay waajib tahay in ilmaha la barbaariyo si uu waalid reer dhaqi kara u noqdo, waxuu kaloo inoo sheegay inay waajib tahay in qofku cilmi raadsado rag iyo dumarna u siman yihiin. Waxuu xataa gaadhsiiyay in mashaqo kasta iyo dhib walba loo maro si aad cilmi u hesho, oo saaran rag iyo dumarba. Waxuu sheegay xataa in Shiinaha oo aan ahayn muslin dhibna ay ahayd in latago, loo doonto cilmi. 

 

Cilmiga rag iyo dumar looma kala abyeelin, ee waa in bulshada loogu adeegaa. Danta ummaddana lagu fuliyaa. Taasi waxay meesha ka saaraysaa dadka ku dooda in dumarku aanay masiirka ummadda meesha lagaga talinayo ka muuqan. Waa marka qudha ee haweenka laga riixanayo mansabka ay sharafta ka helayaan haweenku. 

 

Qabyaaladda ragtirsiga ayaana horseedda in raggu ku keliyaysto talada qaranka iyo aayaha ubadka oo aan haweenka cid u dhaantaa jirin. Ase raggu jeclaysanayo inaan haweenku talo ku yeelan wixii ummadda danteeda ah.  

 

Markii col iyo abaarba geeska afrika soomaalidii kala guurtay, ee cid iyo ciirsiba la waayay ee waalyeelkii iyo ubadkiiba la daadiyay, ee dilkii iyo xasuuqii hadh beelay, haween ayay ahaayeen kuwii waalidka xambaarayay, ee ubadka ilkaha ku qaaday ee bad iyo barriba kala tallaabay ee meel ay nafta ku doojiyaan iyo dugsi yar oo ay ku ilaaliyaan la tagay.  

 

Malaha gaalada iyo reer galbeedka ayaa u sheegay inay xilkaa raggii iskaga tagay, ee naftiisa la cararay, dhabarka u ritaan, oo siddeed ama sagaal carruura la balanbalaan. 

Maanta markii wixii laga soo doogay, ee shiishaa dhaansi iyo reer hebel baa xoogleh la soo nooleeyayna raggii doobta wada lulayaan, oo haweenka in kursi sharaf leh ay ku fadhiistaa, oo baarlamanka ammaanka ah ee aan cidi kusoo xadgudbayn ka mid noqdaan, ay ka dhigayaan inay ceeb samaynayaan. 

 

. 

 

C)      Haddaynu usoo noqono gunta iyo xeedhada salkeeda kootada haweenku waa sharci dastuurka ayaana waajib ka dhigay. 

Waxaad arkaysaa dad sheeganaa aqoonyahan, ama garyaqaan, ama siyaasi ruug caddaaya, magacyadu way iska badan yihiine, oo ku doodaya kootada haweenku dastuurka kuma taallo, aa haweenka iyo raggu waa inay si siman u tartamaan, ama haweenku gaalada dabada ka riixaysa, ee shuqulkii reer galbeedka ku duduucaysa ha ka hadhaan, waa xaq darro in dumarka kooto xaaraan ah la siiyol 

 

Dadka doodaha noocaas ah meel lasoo fadhiistaa waxay qiime ridayaan, erayga garnaqsiga. Marka hore waxaan jeclaan lahaa qofka doodahaas jeedinayaa, inuu bal ugu yaraan isku dayo in dib ufadhiisto oo bal qofka uu xaqiisa duudsiyayo kabihiisa gashado, oo soo joogsado halka ruuxaasi taagan yahay. Waa talo qiime badan. 

 

Dastuurku waxuu xaq siiyay qofkasta oo muwaadin ahi inuu cid dooran karo, oo cod bixin karo, iyo in ruux kastaa doorasho u istaagi karo. Waa arrin guud waana arrin sax, dastuurkuna halkaa uma dhaafin. 

 

Dastuurku waxaanu ka hadlin qofka aan miyirkiisu dhammayn, oo uu ka reebay inuu waxna doorto lana doorto. 

 

Halka ay sartu ka qudhuntay waa marka loo yimaaddo fasirka qodobka doorashada. 

Islama diiddanin qofka wax dooranaya, waxaynu se halkan kaga faalloonaynaa qofka doorasho isu taagaya rag iyo dumar iyo xaqa uu siinayo fasirka qodobka doorashadu. 

 

Marka ugu horraysa waxuu qofku u baahan yahay in fasirku u jideeyo habkii uu doorasho uga qayb gali lahaa isuna taagi lahaa. 

 

Kow: in qofku hal degmo iska soo sharaxaa 

Labo: in degmo kasta la siiyo kuraasi go’an oo lagu tartamo oo kooto ah. 

Saddex: in codka lagu saleeyo tartamayaasha degmadaasi siday ukala cod bateen. 

Afar: in aan xildhibaanada soo baxa la barbar dhigin codka ay kusoo baxaan xildhibaano degmo kale. 

 

Marka aynu fasirkaa doorashooyinka ku salaynay, waxaynu ognahay in reerka aan degmo lahayni qayb ka noqon karin in qof ka mid ahi doorasho isu soo taago. 

 

Waxaa kale oo aynu caddaynay in degmo kasta oo reer leeyahay aynu kuraasi kooto ah u xidhnay oon cidkale kula tartami karin dagmadooda. 

 

Waxaa kale oo aynu jidaynay in qabiilka meel keli ah deggeni codkooda kusoo saari karaan degmadaa loo gooyay iyaga. 

 

Waxaynu jidaynay in beelaha gabooye oo degaamo kala durugsan ama kala duwan deggan aan loo oggolayn codkooda tiro koob loogu sameeyo codka ay ka helayaan dadkooda oo degmooyin kala duwan jooga,  qofka musharaxa loo tiriyo codka Hargaysa, Berbera tusaale ahaan. Codkodana kusoo bixi lahaayeen haddii loo fasaxi lahaa inay dhawr degmo kursigooda looga codeeyo, meelna loogu wada tiriyo. Mar haddii qofka qabiilkiiu uun codka siinayo. 

 

Waxaynu jidaynay in haweenka laga saaro habkii ay cod ku heli lahaayeen, oo aanay jirin wax haweenka kulmiya sida deegaan ugaara ama qabiilo ay ka midaysan yihiin. 

 

 

Waxaad arkaysaa inaynu muwaadiniintii doorashada isu taagtay aynu saddex kooxood u kala saarnay, mid qudhana jidaynay siduu kusoo bixi lahaa. 

  • Koox degmo ugaara haysata qabiil gaara ah, kuraasi kooto gaara la siiyay, reeraha kalena ay xidid wadaagaan 
  • Koox degmooyin kukala filiqsan, loona diiday in codka qabiilkooda loo tixgeliyo loona tiriyo si ay ugu soo baxaan.  
  • Koox aan degmo gaara lahayn hayb ay isku gartaan aanay jirin, xidhiidh kale oo qabiilo ka dhaxaynin.  

     

     

    Fasirka aynu ka bixinay qodobka doorashada waa kaa sida cad u duudsiyaya qof muwadin ah xaqiisii, sadbursiinona siinaya mid kale oo ula gudboon inuu xikdhibaan noqdo. 

     

    Waxaynu sawirka qaadan karnaa saddex kooxood oo kubbad ku tartamaya.. koox kubbadda cagta ciyaarta, koox kubbadda xeegada ciyaarta, iyo koox kubbadda kolayga dheesha. 

    Mid waxaa loo oggol yahay inuu kubbadda lugta ku dhaliyo, midna inuu gacanta ku dhaliyo, midna inuu usha xeegada ku dhaliyo. Waxaa la isugu keenay garoonkii kubbadda lugta lagu ciyaarayay, birihii goolka iyo calaamadihii ayaa marsan, calan walayaashii iyo siidhiwalihii kubbadda cagta ayaa garoonka ka garsooraya,  

     

    Kooxdii kubbadda kolayga iyo xeegadu midna ma joogo garoonkii uu ka ciyaari lahaa. Haddii ay kubbadda gacanta ku qabtaan, ama usha xeegada ku kaxaystaan waa dembi. Halkaa kubbad xaq ahi kama dhicin, ama ciyaartaasi xaq maaha. 

     

    Haddii aynu odhan lahayn si qabyaaladda iyo qudhunkeeda aynu ula dagaalano waa in aan ruuxna iska soo sharaxin deegaanka uu qabiilo ahaan ka soo jeedo. Waxay noqon lahayd in qabar cirka kasoo dhacay, halka qabiilooyin ay weli ku doodayaan in kuraasidii kootada beeshooda wax ka maqan yihiin. 

     

    Kootada haweenka iyo kootada beelaha gabooye waa dastuuri mar haddii fasirkii lagu jideeyay doorashada uu qabiil ku salaysan yahay meel wada dega.. 

     

    Dulmiga ay beelaha gabooye qabaan waxaa ka mid ah lixda degmo ee hargaysa foodkooda waa la isku dhex tiriyaa, halka gobolada kale degmo walba gooni loo tiriyo. Taas oo beelaa Gabooye ka soo bixi lahaayeen Hargaysa haddii degmada ay u badan yihiin codka degmo kasta oo Hargaysa ah codkeeda gaar loo tirin lahaa. 

     

    Garyaqaan farta waaweyni maaha ta lagaaga baahan yahay. Ee fartayaryar ee aanu macalinkii kuu sheegin hoos ugu daadag.  

    Qof walba waa in loo jideeyo marin uu u maro sidii ugu tartami lahaa ee xaqiisa sugaysa. 

     

     

    Fasirkaa ah in maxkamadda sare wax laga weyddiiyaa si ay u kala caddeeyaan in kootadu haweenku sax tahay. Dastuurku in dib loo furo uma baahna ee fasirkaa ubaahan in dib loogu noqdo mar hadduu muwaadin xaqiisa sugayo, halkuu mid kale xaqiisa duudsiyayo. 

     

    Eebbe ayaa xaq yaqaan. Hala dadaalo, oo halala dagaalo xaqdarrada. 

     

    Eng. Youssuf Ahmed 

    jicsin@hotmail.com 

    London U. K.