SHAQAALAHA ASTAAN CABLE OO XUKUUMADA UGU BAAQAY IN AY SIIDAYSO MULKIILAHA ASTAAN CABLE OO MUDO KU XIDHAN MAGAALADA HARGAYSA.

SHAQAALAHA ASTAAN CABLE OO XUKUUMADA UGU BAAQAY IN AY SIIDAYSO MULKIILAHA ASTAAN CABLE OO MUDO KU XIDHAN MAGAALADA HARGAYSA.

Shaqaalaha Astaan Cable Oo Sameeyay  Isku Soobax Ay Ku Diidan Yihiin Xadhiga Xukuumadu Kula Kacday Mulkiilaha Astaan Cabdimanaan.

Maamulka iyo shaqaalaha Astaan Cable ayaa maanta sameeyay isku soo bax ay ku Diidan yihiin xadhiga sharci darada ah ee xukuumada Somaliland kul kacday mulkiilaha Astaan Cable Cabdimanaan oo mudo ku xidhan xarunta danbi baadhista Ee C,I,D.

Maamulka iyo shaqaalaha ka hawla xarunta astaan cable ee magaalada hargaysa ayaa xukuumada ugu baaqay in deg deg ah ay xoriyadiisa ugu soo celiya mulkiilaha   Astaan cable oo wali aanay xukuumadu sheegin danbi loo hayso.

Ugu horay waxaan halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha astaan cable ee magaalada hargaysa  waxaanu maanta halkan utaaganahay cabashada xadhiga cabdimanaan oo aanu xukuumada ugu cabanayno

Xadhiga ay kula kacday mulkiilaha astaanka cable oo aany aaminsan nahay in aanu wax danbi ah ka galin Somaliland waxaanu madaxwaynaha ka codsanaynaa in lanoosoo daayo Cabdimanaan Yuusuf

Sidoo  maamulka astaanka cable ee magaalada hargaysa ayaa ka hadlay shaqo abuurka uu sameeyay Astaan cable oo wakhti xaadirkan ay ka hawlaan shaqaale tiradoodu kor udhaafayso 120qof oo reer Somaliland ah halka uu sheegay in ay jiraan shaqaale kale oo sidadban ula shaqeeya astaan cable oo iyagana uu ku sheegay in ay gaadhayaan 40qof.

Dhanka kale shaqaalaha waynaha astaan cable ayaa ka hadlay xadhiga xukuumadu kula kacday mulkiilaha astaan cable Cabdimanaan Yuusuf kuwaasi oo xuuumada madaxwayne biixi ka dalbaday in xoriyadiisa loosoo celiyo mulkiilaha astaan Cable.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;