Wax Ka Barro Masar|Qaybtii 1aad

Wax Ka Barro Masar|Qaybtii 1aad salaanmedia/Hargeisa…


Waa Wadan Ku yaalo Woqooyiga Afrika, wadankaan waxa Uu leeyahay buundo dhulka ah oo la Yidha Siinaay, waxaanay isku Xidha Afrika iyo Aasiya. Masar Waxa Ay Xuduud La Leedahay wadamada Libiya, Suudaan, Falastiin iyo israaiil, Dhinaca woqooyi neh waxaa kaga dhegan Bada dhexe, dhinaca bariga neh waxaa kaga dhegan Bada cas, Caasimada wadanka Qaahiro. Masar waxa Ay ka Midtahay wadamada Ay ku Noolyihiin dad aad u badan marka la Eego wadamada afrika. Wadankaan waxaa degan dad gaadhaaya ilaa 79,089,650 oo qof (dad tiriskii 2010), Dadka badankoodu waxay degan Yihiin Magaalooyinka waaweyn Gaar Ahaan meelaha Uu wabiga Niil maro.
Dhinaca kale masar waxay Leedahay Dhul saxare Ah oo aad U Weyn, Meelaha Saxaraha Ah Dad badani ma Degena. Masaarida saaxiibo fiican ayey la ahaan jireen madaxda somalida. Masar waxay ka Midtahay wadamada aadka U Faca Weyn,Waxay leedahay taariikh aad U Dheer. Wadankan Waxaa markiisa hore xukumi Jiray boqortooyo, waxaana lagu yaqaanaa Ama Ay caan ku tahay Mutulaha Saddex Geeska Ah oo Lagu magacaabo Afka ingriiska (Pyramids), waxaanay ku yaalaan magaalada Gisa. Mutulahan Saddex Geeska Geeska Ah waxaa la dhisay kumanaan sano kahor, waxaana dhisay Adoomo Ay Lahaan Jirtey Boqortooyada Masar. Masar Waxa Ay Leedahay waxyaabo badan oo taariikhi ah oo lala yaabo. Wadanka masar waxay ka Mid tahay wadamada Gumeestaha yurubiyaanka Ahi Qabsadeen.

Www.salaanmedia.com