Baroordiiq iyo xus loo sameeyo dadkii inagaga dhintay halgankii waxaa ka haboon in layska ilaaliyo wixii ay diideen una dhinteen darteed.

Baroordiiq iyo xus loo sameeyo dadkii inagaga dhintay halgankii waxaa ka haboon in layska ilaaliyo wixii ay diideen una dhinteen darteed.

Waxaa Somaliland laga xusaa taariikho badan oo ku suntan halgankii dheeraa ee ay lasoo martay dawladii dhexe ee Somaliya, kuwaasoo ku calaamadsan qaxarkii iyo dhibkii ay wateen ee ay shacabka Somaliland soo mareen ,waxana
looga jeedaa inaan marna la ilaawin kuwii dhiigooda,xoolahooda iyo wax kasta uhuray in la helo xoriyad,
Hadaba waxaa isweydiin leh 30 sanno ka bib halgankaa maxaa hada jira? waxaa Somaliland soo maray shan madaxweyne Sadex kamid ahi waxay ahaayeen ragii halgankaa safka hore kaga jiray.
Waxayna ahaayeen Alla ha u naxariistee C/rahmaan Axmed Cali (tuur) Axmed Maxamed Max’ud (Siilaanyo ) iyo kan hada
Ee M Biixi, tuur wuxuu la kulmay xili adag mana helin nabad gelyo uu dalka ku maamulo waxaana dermada ka hoos saaray saaxibadiisii ay halganka wada wadeen waxaana safka hore kaga jiray ragaas jiif iyo joogba udiiday
Muuse Biixiga hada jooga,iyo kornaylka ku mataanaysan ee Kaahin, laba sanno oo rafaad ah ayuu ku dhanaystay mudo xileedkiisii. Waxaa ku xigay Siilaanyo oo ahaa Ninkii 2aad ee SNM ahaa ee dalka madaxweyne ka noqda isagu wuu ka nasiib wacnaa Tuur wuxuuna helay jewi degan oo uu madaxweyne buuxa oo owoodle ku noqdo , waxaase xusuus Mudan maka baydhay dhabahaa qodaxda leh ee ah inuu iska ilaaliyo wixii qaldanaa ee Siyaad uu kula dagaalmay ?jawaabtu waa maya , nasiib daro iga dheh,
Waxaa hada talada haya Mid 3aad oo SNM ah waa Biixi ye
Waxaa su’aal ah maka xishoodaa wixii ragii ay isku banaaga ahayeen udhinteen ee ay diideed ee ahaa wixii lasmayn jirin xiligii Siyaad? Jawaabta aad helaysaa waa maya, hadaba maxaa xiligaa jiray ee SNM iyo guud ahaan dadkii dhulkaasi duurka geliyay ?
Una dhinteen kuwaa hada laxusayaa?
Masle la odhan karaa SNM waa khaayimiin kursi uun bay doonayeen oo ubaa bi ‘iyeen dawladii Dhexe? Marhaday iyba wixii weli samaynayaan
Mase jiraan maanta waxaasi ?

Wixii jiray Majitaa
Cadaalad daro —- Haa
Eex iyo qaraaba kiil — Haa
Guryo caruur iyo dumar
Saqdhexe loogu dhaco. —- Haa
Musuq maasuq awood
Lagu ilaaliyo an laga hadal. —Haa
Hanti inyari iskaga tagri
Falayso. —— Haa
Saamiga dawladeed oo
Lakala badsado. ——Haa
Khayraadka iyo manfaca
Oo aan loos sinayn. ——Haa
Cabudhin iyo caga juglayn
Xadhig aan loo miidan dayin._Haa
ganasiga oo dad gaar ah loo xidho. _____Haa
Dadka oo laga qaado xoriyada
Sirarka,hadalka, isusoo baxa iyo dhaq dhaqaaqa. ____Haa
Masoo koobi karo hadaynu wadno maanta oo dhan waxaa markaa haboon inaan kuwaana waxba laxusine layska xishoodo oo layska aamuso mar hadii waxay udhinteen weli jiraan,
Waxaan kusoo xidhayaa gabaygii
AHUN Abwaan Qaasin
Isma doorin gaalkaan diriyo
Daarta kii galaye
Dusha midabka soomalibaad
Dugulka moodaaye
Misna laguma diirsade qalbigu
Waa dirkii Karal,e
Waakaas xaalku maanta
Allaa mahadl leh
Qalinkii
Iman M Ciise