MAXAA AY INAGA DHAXLI DOONAAN DADKA INAGA DAMBEEYAA ?

WAXA LA INOOGA BAAHAN YAHAY IN AYNU QORSHIHII UMADEENA IYO HIIGSIGII BOQOLKA SANO EE SOO SOCDA MAANTA SII HINDISNO ;

Aduunku wuu socdaa wax kasta oo bilaabmaa wuu dhamaadaa , taariikh ayuun baa ka hadha iyo maxaa dadkii xiligaasi noolaa ay ka yidhaahdeen ama kaga gudbeen caqabadaha soo waajahay , markaa ilama aha in aynu wakhti badan isaga lumino waxii ina soo maray iyo taariikhda laga soo gudbay kaliya waa in aynu xumaanteediina iska ilaalino waxii aynu ka baranay ee wanaagsana ka qaadano.
Macanaha ugu weyn ee ay taariikhi leedahay ayaa ah wax ka barasho iyo ku cibro qaadasho oo wanaageediina in la maamuuso ka dhashay xumaantii iyo dhibaatooyinkii ay lahaydna la iska ilaaliyo in ay mar labaad iyo mar sadexaad soo noqdaan oo ay noqoto wax ku qaadasho wanaagsan , isla markaana la maamuuso dadkii kaalintooda ka qaatay xiligaasi .
Laakiin hawsha inoo taalaa hadda waa hogaaminta iyo hal abuur uga tagida ubadkeena iyo kuwa mustaqbalka ee boqolaalka sano ee soo socda oo u baahan in dariiq iyo wado bilaa qodxo ah loo jeexo oo ay kaga badbaadaan dhibaatooyin badan oo ina soo maray isla markaana ay wax kula qaybsadaan aduunyada kale oo ay hiigsadaan horumar iyo hore u socod.
Waxaana lagu helayaa in lagu dedaalo in aan lagu mashquulin tagtadii ina dhaaftay ee aynu xooga saarno timaadada iyo waayaha ay wadato waxa aynu kaga gudbayno , aynu abuurno hogaamin wadata himilo fog iyo hiigsi wanaagsan oo inta maanta nool na taariikh wanaagsan u noqda inta iman doontana wax tar iyo wanaag ay abaal ugu hayaan awowyaashood noqota.
Waxa dhab ah iyo xaqiiqooyin jira in ay jiraan culaysyo iyo cadaadisyo gudo iyo dibadba leh oo diidan in aad fekerto , xaliso caqabado badan oo maanta taagan , raba in ay halkaasi kugu hayaan ama meel ka hoosaysa ku gaadhsiiyaan , waxa loo baahan yahay in aad ka feejignaato iskuna daydo sidii aanay kuu hakiyeen culaysyadaasi iyo caqabadahaasi.
Waxyaabaha muhiimka ah waxa ka mid ah ee arimahani u baahan yihiin:
1- In aynu helno saaxad siyaasadeed oo saari karta qofka aynu u baahanahay .
2- In aynu ku dedaalno in aynu horumarino nidaamka aynu dhiganay kana shaqaysiino si uu inoogu soo saaro qofka aynu u baahanahay .
3- In aynu dardar galino rajada  iyo hiigsiga mustqbal ee umada si aanay u iman niyad jab abuura xagal daac iyo dib u dhac.
4- In uu qofwaliba isku dayo oo saaxada siyaasada ku jiraa maxaad dalkaaga iyo dadkaaga dambe uga tagaysaa , oo aanay mashquulinin ta maanta taagan oo kali ahi.
5- In qaranka iyo hay’adihiisu oo ay ku jiraan axsaabta siyaasadeed , ururada siyaasadeed  uu yeesho qorshe qaran oo wata dariiqii lagu hirgalinayey kaasi oo uu fahmi karo qofwaliba.
6- In axsaabta qaranka iyo ururadu siyaasadu abuuraan in dadku ku midoobaan aragtiyo iyo mabaadii si looga baxo wax badan oo maanta dib inoo dhigay.
7- In dadka aan la qaybin ee had iyo goor laga fekero midnimada iyo wadajirka umada sida ay qorayaan xeerarka iyo dastuurka dalku , wanaaga iyo dadnimaduna ina farayso.
8- In siyaasad cad oo la isku waafaqsan yahay laga yeesho waxyaabaha umadu ku kala qaybsan tahay si xal lagaga gudbo loo helo.
9- In dawladnimada iyo dadku wada socdaan oo aan in koobani xayndaabka siyaasadeed xuurtaysan si aan dadku uga niyad jabin saaxada siyaasada iyo in ay heli karaan hogaan wanaagsan mustaqbalka.
10- In waxa aynu wada leenahay inagala waynaado waxa kooban ee lagu kala duwan yahay , si aynu u hiigsano horumarka iyo umadaha hore u talaabsaday .
Aragtidayda
Mohamed Abdi Jama

Muxamed Dhimbiil