Taariikh Nololeedkii Prof. Cali Khaliif Galaydh

Taariikh Nololeedkii Prof. Cali Khaliif Galaydh

Cali Khaliif Galaydh Eebbe ha u naxariisto e siyaasiyiintii geeriyooday buu ka la mid ahaa, wuxuuse dheeraa in uu kulansaday astaamo ay dhif iyo naadir tahay in qof bini’aadam ah, gaar ahaan qof Soomaali ah la ga wada helo.

Waxa uu ahaa nin aad garaadkiisu u sarreeyo. Nin waxbartay. Nin aftahan ah. Nin afyaqaan ah. Nin dadyaqaan ah. Nin dalyaqaan ah. Nin waddani ah. Nin hufan oo maamulyaqaan ah oo laaluush iyo wax-is-dabamarin ay siyaasaddiisa ka madhan yihiin.

Nin hirraal leh oo meesha uu u socdo iyo aragtidiisa garanaya oo ku dhaqaaqa haddii uu xil uu markaas hayo ku waayayo.

Nin habeen-dhallad leh oo haddii uu xil hayo iyo haddii kale ba saamayntiisa leh.

Nin tolnimada u yaqaan hadba intii isku aragti ah oo aan qaraabokiil shaqo ku lahayn.

Nin aan oggolayn in tolkiis ay tolal kale u dawladdeeyaan oo xaqooda duudsiyaan oo aan dan ka geli jirin in qabyaalad aan jirin la gu shaambadeeyo.

Nin gartiisa naqsada isaga oo aan cidna u tudhin, misna aan cidna hadal turxaan leh odhan ayaa uu ahaa.

Nin awood u leh aragti aad aaminsanayd in uu kaa shubo oo mid kale ku geliyo ayaa uu ahaa.

Nin ay xitaa dadka siyaasaddiisa lidka ku ah ay dhegta u raariciyaan buu ahaa.

Qaammuus af, dugsi siyaasaddeed, wasaarad hidde iyo dhaqan, oday soomaaliyeed, hoggaamiye casri ah, iyo Bare jaamacaddeed oo hal qof is ku ah ayaa uu ahaa.

Dr. Cali Khaliif Galaydh waxaa uu ahaa siyaasi Soomaaliyeed, waxaana uu mar soo ahaa Reysal Wasaaraha Soomaaliya (2000-2001), Wasiirka Arrimaha Gudaha (1965-1967) iyo Wasiirka Warshadaha (1980-1982).

Cali waxa uu ku dhashay gobolka Sool, halkaas ayuuna qeybta hore ee noloshiisa kusoo qaatay inteeda badnayd, ilaa uu ka dhameystay waxbarashadiisii aasaasiga ahayd, ilaa markii dambe uu Dugsigiisa Sare ku dhameystay degmada Sheekh. Waxaa uu ahaa aqoonyahan darajada tacliinta maadiga ah ka gaadhay Ph.D. Waxaa uu ahaa Macalin iyo qof muddo dheer soo ahaa shaqaale dowladdeed, oo qeybo kale duwan dowladnimada ah kasoo shaqeeyay.

Dr. Cali Khaliif Galeydh waxa uu in mudda ah kasoo shaqeynayay qeybaha waxbarashada Soomaaliya, isaga oo macalin iyo bare kasoo ahaa machadkii Somali Institute of Public Administration (SIPA) ee Maamulka Dowliga ah lagu baran jiray, halkaas oo uu markii dambe ka noqday agaasime.

Cali Khaliif waxaa lagu xasuustaa agaasimidda barnaamijyo hormarineed oo Soomaaliya ka socday 1970-aadkii ilaa 1980-aadkii, isaga oo si gaar ahaa u maamulayay Mashruucii Sonkorta ee Jubba.

Galeydh waxa uu sanadkii 2000 noqday xildhibaan, iyada oo uu isla waqtigaas noqday Raysal Wasaarihii ugu horeeyay ee dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Cali Khaliif Galaydh waxaa 2014-kii loo doortay Madaxweynaha Maamulkii Khaatumo oo aanay DowladdII Federalka KMG Soomaaliya ahaydna aqoonsan, tii ka dambeysay ee rasmiga ahayd ee la sameeyay 2012-kiina aanay aqoonsan.

Cali waxa uu dadaal xooggan ku bixiyay in la helo maamul u gaar ah gobolada Sool iyo Sanaag oo ka madaxbanaan Somaliland iyo Puntland, balse markii danbe waxaa uu la heshiiyay Somaliland gaar ahaan xukuumaddii Axmed Siilaanyo, waxaana uu dhintay haatan iyadoo aan la fulin heshiiskii lala galay.