Agaasime Filsan Xuseen Khaliif oo munaasibad sagootin ah u samaysay Ciyaartoyda Xulka Gobolka Gabiley

 

Hargeysa (SalaanMedia)- Agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaarada shaqo gelinta iyo arrimaha Bulshada Somaliland Marwo Filsan Xuseen Khaliif ayaa munaasibad sagootin iyo Casho sharaf ah ku maamuustay xulka kubada Cagta ee gobolka Gabiley.

Munasibadan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirka wasaarada Shaqo gelinta iyo arrimaha Bulshaada, Maayirka Gabiley, Guddoomiyaha Hay”adda Aafooyinka iyo marti sharaf kale.

Filsan Xuseen Khaliif oo ugu horeyn hadal ka jeedisay munaasibaasi ayaa Ciyaartooyda gobolkaasi ku amaantay heerkii wanaagsanaa ee ay ka gaadheen koobka gobolada Somaliland ee shalay la soo gabagabeeyay.

Waxaanay Ciyaartooyda gobolkaasi u jeedisay dardaaran amaan dhaaxal gal ah.

Wasiirka shaqo gelinta iyo arrimaha bulshada Somaliland, Maayirka Gabiley, iyo guddoomiyaha hay”adda Aafooyinka iyo Kaydka raashinka, ayaa Agaasime Filsan ku bogaadiyay munaasibada maamuska ah ee u samaysay xulka kubada Cagta Gabiley.