Madaxweyne Xariga ka jaray Taallo Dahab ka sameesan oo loo dhisay !!(Daawo Sawirro)

Madaxweyne Xariga ka jaray Taallo Dahab ka sameesan oo  loo dhisay !!(Daawo Sawirro)

Madaxweynaha dalka Turkmenistan Gurbanguly Berdymukhamedov , ayaa xadhiga ka jaray taallo dahab ka sameesan oo loo sameeyay wiil kamid ah eeyaha kunool qaarada Aasiya si gaar ah dalkaasi caan ugu yahay.

Taaladan dahabka ka sameesan ayaa loo sameeyay Eeyga loo yaqaan Alabay uu caan ku yahay dalka Turkmenistan , waxaana taaladan Eeyga loo sameeyay si rasmi ah xariga uga jaray Madaxweyne Gurbanguly Berdymukhamedov.

Taaladan Eeyga loo sameeyay ayaa ka sameesan dahab qaali ah , waxaana dheereerkeedu lagu qiyaasay 6 miitar, lama shaacin lacagta rasmiga ah ee ku baxday taaladan dahabka laga sameeyay.

Eeyga loo yaqaan Alabay ayaa ah mid caan ka ah dalka Turkmenistan si weyna dad dalkaasi u dhaqdaan, waxaana Madaxweynaha dalkaasi marar badan hadiyad ahaan Eeyo iyo fardo u siiyay qaar kamid ah Madaxda wadamada caalamka.