Mucaaradka Turkiga Oo Erdogan Ku Dhaliilay Taageerada Uu Siiyo Somaliya

C-Wh7O6XoAIkDzp-1-Dowladda uu hogaamiyo madaxweynaha Turkiga, Rajab Teyib Erdogan ayaa lagu dhaliilay lacago ay ka bixisay Soomaaliya horaantii bishan.

Mucaaradka dalka Turkiga ayaa madaxweyne Erdogan ku dhaliilay lacag ay xukuumadda Ankara ka bixisay Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah qorshaha deyn cafinta ee Soomaaliya.

Mucaaradka ayaa sheegay in aysan ku qanacsaneyn dhaqaalaha Turkiga uu ku daldalayo Soomaaliya xilligan oo dhaqaalaha Turkiga uu saameeyay cudurka Covid 19 iyo dhibaatada ka dhalatay musiibadii ka dhacday dalkaas.

Ali Mahir oo kamid ah mucaaradka dalka Turkiga ayaa dowladda ku eedeeyay in lacag badan ay siiyay Soomaaliya balse aysan dhaqaale fiican siinin dadkii ay dhibaatada kasoo gaartay dhul gariirkii ku dhuftay magalaada Izmir.

“Waxaad lacag dhan 10 milyan oo Liira ugu deeqday dhibaatadii ka dhalatay dhul gariirka, halka lacag dhan 2.4 milyan oo doollar na aad ka bixisay Soomaaliya”, ayuu yiri Ali Mahir oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee dalka Turkiga ku qoray bartiisa Twiter-ka.

Turkiga ayaa horraantii bishan waxaa uuTurkiga faafinta rasmiga ah ee dowladda uu ku shaaciyay in lacag 2.4 milyan oo doollar uu ka bixiyay Soomaaliya, lacagtaas oo lagu wareejiyay hey’adda lacagta adduunka iyo bangiga adduunka, si loo gaaro yoolka deyn cafinta Soomaaliya.

Haseyeeshee tallaabada Turkiga waxaa soo dhaweeyay dowladda Soomalaaliya oo sheegtay in Turkiga ay uga mahadcelineyso taageerada dhaqaale ee uu siiyay.

“Waxaan si niyad sami leh ugu mahadcelinayaa madaxweynaha Turkiga, taageerada dhaqaale ee uu Soomaaliya la garab taagan yahay, gaar ahaan dib u habeynta dhaqaalaha dalka, taas oo keentay in Turkiga uu bixiyay deynta lagu leeyahay Soomaaliya”, sidaas waxaa boggiisa Twiter ku qoray wasiirka cusub ee wasaaradda cadaaladda, Cabdulqaadir Maxamed.

Source: BB