Sheekh Adam-Siira Oo Bulshada Uga Digay Golayaasha Deegaanka ee lagu Khasaaray

Hargeysa (SalaanMedia)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-Siira), ayaa bulshada Somaliland, gaar ahaan shacabka reer Hargeysa uga digay inay mar labaad codkooda siiyaan xildhibaannada Goleyaasha Deegaanka ee wax-qabadkooda lagu qasaaray, kuwaas oo qaarkood damacsan yihiin inay isa soo sharraxaan doorashada soo socota.