Shirka Billaha ah ee Shaqaaleweynaha Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Oo Xarunta Wasaaradda ku Qabsoomay

Hageysa (SalaanMedia)- Shirka bilaha ah ee Shaqaalaha Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ayaa Saaka oo Taariikhdu tahay 12- 11-2020 si Habsami ah uga qabsoomay Hoolka Shirarka ee Wasaaradda.

Shirkan oo Sida Caadada ah ay Qabato Waaxda Cududa Shaqaalaha ee Wasaaraddu ayaa Waxaa Saaka kasoo Qayb galay Dhamaanba Shaqaalaha Wasaaradda gaar ahaan Kuwa ka hawl gala Magaalada Hargaysa.

Sidoo kale Waxaa kasoo qayb Galay Madaxda Wasaaradda oo ay ugu horeeyaan Wasiirka Wasaaradda Mudane Jaamac Xaaji Maxamuud # iyo Agaasimaha Guud Muddane #Maxamed Yuusuf Ismaaciil.

Ugu horeyn waxaa halkaa kelmad kasoo jeediyey Agaasimaha Waaxda Cududa Shaqaalaha isagoo dhinaca kala Soo bandhigay Nimaadka Casrigaa Ee lagu Maamulidoona Guud ahaan Shaqaalaha Dawlada Nidaamka oo ay Wada Hirgelinayaan Hay’ada Shaqaalaha Dawlada iyo Waaxaha Cududa Shaqaalaha ee Wasaaraddaha

Intaa ka bacdi waxaa isna dhankiisa halkaa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda oo Shaqaalaha Usoo jeediyey dardaarano la xidhiidha Ilaalinta iyo dardar gelinta Shaqada ay Bulshada iyo Qaranka u hayaan Sidoo kale Wuxuu Agaasimaha Guud sheegay in la dhiiri gelin doono Shaqaalaha layimaada shaqawanaag iyo dedaal.

Gebo-gebadii Shirka Waxaa halkaa ka Hadalka soo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Wasiir Jaamac ayaa Shaqaalaha Siweyn Ugula Dardaarmay Ilaalinta Wakhtiga Shaqada Isagoo Shaqaalaha ku booriyey in ay dhawraan Saacadaha Shaqada.