Wartiyeed laga soo saaray Shirweynaha 2aad ee Teknoolajiyadda Somaliland

Hargeysa (SalaanMedia)- Shirka Tignoolajiyadda iyo horumarinta Isgaadhsiinta Jamhuuriyadda Somaliland #ICT-ga Somaliland ee 2020, ayaa gelinkii dambe ee Axadda maanta la soo gebo-gabeeyey, ka dib markii uu muddo laba maalmood ah ka socday Huteel Grand Haadi Hotel ee magaalada Hargeysa.

Shirka oo uu Sabtidii shalay furay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), isla markaana ay ka qaybgaleen Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, Agaasimeyaal guud, Madaxda Shirkadaha Isgaadhsiinta, ku-xigeenka Wakiilka Dowladda Tiwain u fadhiya magaalada Hargeysa ee Somaliland, Aqoonyahanno, Khuboro Tignoolajiyadda ku xeel-dheer, mudan iyo marti-sharaf kale, ayaa gebo-gabadiisii waxa laga soo saaray War-murtiyeed 14 qodob ka kooban.