XASUUS QOR MAQAAL AAN QORAY BISHII JANUARY 2002 MARKAAS OO LAGU GUDA JIRAY ABAABULKII DHISIDA XISBIGA KULMIYE.

Subject: XASUUS QOR MAQAAL AAN QORAY BISHII JANUARY 2002 MARKAAS OO LAGU GUDA JIRAY ABAABULKII DHISIDA XISBIGA KULMIYE.
Subject: XASUUS QOR MAQAAL AAN QORAY BISHII JANUARY 2002 MARKAAS OO LAGU GUDA JIRAY ABAABULKII DHISIDA XISBIGA KULMIYE.
XASUUS QOR MAQAAL AAN QORAY BISHII JANUARY 2002 MARKAAS OO LAGU GUDA JIRAY ABAABULKII DHISIDA XISBIGA KULMIYE.
Dawladnimadu Waa Maxay? . Jan 10 2002  – Su’aashan iyo Doodan hoos ku Qorani waxay Dhexmartay, Aniga iyo Nin Layidhaahdo Dahir laba Afle loona yaqaano ama lagu Naanayso ( Dibuguur).
Hadii aan yara Faahfaahiyo ama wax kaaga sheego Taariikhda iyo Facaayilka Ninkan Odaga ah ee Dibuguur oo ah Muwaadin Reer S.land ah, Bishii 15-ka cisho ee hore waxa uu degenyahay Magaalada Hargaysa 15-ka danbena waxa uu Deganyahay Magaalada Burco.
Dibuguur waa nin Firfircoon oo Madaale ah, Masuuliyada ka saaran Qoyskiisa Ama Gurigiisana ka hor mariya waxa uu ku sheegay u adeega Bulshada Qaybta Fadhi ku Dirirka iyo Muranka ee ka socda Goobaha lagu Qayilo loona yaqaano Mafrishyada oo ninkan Odayga ahi Caankayahay, aadna looga Qadariyo.
Khabiirku waa nin maskax badan oo Dhaqan-yaqaana, Taariikho badana haya Xafidsana Gabayo badan oo Qabaailku isku Fijaaseen. Kana sheekeeya had iyo Jeer Daahyaale wixii dhacay iyo Duumaale Barigii !!!!!!!.
Dahir laba Afle ama ( Dibuguurba) oo dadka ku Qanciya in uu yahay (Diktoor) Ay mar ka wada Qalin jabiyeen Kuliyadii Jaale Siyaad, Kornaylkii la dhan jiray Nuur Shareeco, waa nin danayste-weyna oo aad u Damac badan, Laakiin ay aad u adag tahay sida aad u Fahamto Dariiqooyinka uu ku Fushado Hawlihiisa gaar ka ah.
Diktoorku waa nin Aftahamo ah dadkana ka dhaadhicin kara Ujeedooyikiisa, Inkasta oo aanu Fagaare dad badani joogaan hadal ka jeedin karin ama ka Khudbadayn karin, Hadana wax uu belo ku Qaabaa Faqa iyo nuxnuxda hoose Ama waxanaa jira iyo waxanaa la yidhi.
Dibuguur waa nin ku Takhasusay Xeer beeleedka, Xeerbeegtida iyo Garaha oo Xidhiidh toosa la leh Oday-dhaqameedka, Cuqaasha iyo Salaadiinta.
Runtiina hadii aad Daraasad ku samayso Cilmi-nafsiga uu ku shaqeeyo, waa mid Aad odhan karto (waa Qof marka uu kugu soo socdana wax kuu soo sida) (Marka uu kaa sii socdna wax kaa sii sida).
Dibuguur wax shaqo ah oo joogta ma hayo, laakiin muddo sanad ku dhaw Iminka waxa uu ku Mashqoolsanaa sidii loo furi lahaa Xisbi la yidhaahdo KULMIYE oo seeska u dhigaaya kobaca Qabyaalada.
Diktoor Dibuguur oo ku magacaaban la taliyaha kowaad ee Salaadiinta u Qaabilsan xaga Siyaasada ee Arimaha Mashruuca (Shir-beeleedyada Kulmiyeysan)
ayaan Su’aashan weydiiyey.
Su’aal- Mr Sool: Dibuguuraw bal faalee oo Dawladnimadu Waa Maxay?
Jawaab- Dibuguur: Anigaa Daliil haya, Anigaa Damiir wacan, Dulqaad iyo Xishood badan, Diintana waan aqaana, Danta reerka fulin kara oo Beeldaajiyaan ah, Dawladnimadana sideedaba dariiqeedo wuxuu yahay, horta Duubcadii shiri, Duqaytidii iyo Cuqaashii Darajada iyo xilka u dhiib iyagaa Ducaysane, Dib u riix himiladoo oo Duumaale gaadhsii Dibuguur ha Taliyee.
Mr Sool: Waar bal Duul alaw dhegaysta Duumo xaaqday digashadiisaa, waar Ma Duqaytidii iyo cuqaashii Danta reerka wadi jiray ayaa daadahayn kara, mise nin Darajadoonoo dugsanaaya beelbaa ku dabaqaaya tiisii, Daalin waa nin xeel lehe, sawtuu Daraad yidhi Abwaankii Dalkeenani Dad hadaad isqabataan ilay Waad la doodaa, Dugaagoo ku weerara yurbaa lagu dabaalaa, Duufaanka xooga leh waa laga ducaystaa, Shaykastoo naftawdaran wax baa lagula daalaa, Ana waxaan ku darayaa, Anigoon Duqaynayn Duubcadiyo Cuqaashaba, Dawladnimada sideedaba Distoor baa u aabo ah Dimoqraadi lagu sugay oo Doorashuu ku helayaa ninka Diiradaw sidaa, Dadkuna waa u simanyey, ninka Darajdoonka ah ee dugsanaaya beeshaw, Daahir maaha taadani oo dacar Qooshan weeyaan. Dibuguur warkiisana Dadweynaw ka fiirsada waa dardaaran iyo talo hadii kalena dagnaantiin.
By: Osman Abdillahi Sool. Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com