BARTA AFSOOMAALIGA BARTA Q1aad

HOOYO, Ma Waa HABARTAA Mise HOOYADAA? Ereyga se HOOYO halkuu kayimid?
Hooyo Waa Hooyo, oo Hooyo waxay tahay kii Nacas ah, kii nin rag ah, tii Doqona iyo tii Fariid ah, midna loosheegimaayo!, Waayo?
Hooyo waa ta Camirtay Aduunka ee Dhashay waxa idil AADAME uunka Ku guud nool!, Hooyo Xaq iyo Abaal, Ruux u gudikaraa majiro, Caadil Waa Illaahaye, Xaqa waalid, Labadeena waalid, Illaahay Hooyo Saddex! ayuu Aabaha dheereysiiyey, aanay shuruudi Ku xidhnayn!, Halka ay Saddex kuwada joogaan ay shuruudi Ku xidhantay!, Runtii Hooyo Hooyonimadeedu waxay tahay, Hubaal way Ka maqaam sareysaa, Ruux maqaallo lagaga faaloodo, Waxaan se doonayaa in aan sharax Ka bixiyo, Magaca Hooyo Erey ahaantiisa, waxa Hooyo looyidhi Hooyo, halkuu kasoo jeedo, Siddii uu u Baxay, wuxuu ku baxay, iyo waxa caddayn u ah ee loohayo.
Balse Ereyga Hooyo, Intaynan dhuuxin oo aynaan raacdayn raad dhigiisu halka uu ku qotomo, bal horta aynu Isla meel dhigno, Hooyo Ka ku Qumman ama ku Haboon HOOYADAY iyo HABARTAY, Haddaba aniga oo aan Jiho u Xaglinahayn! Haddaan Dhuraha u qaato, Marka hore waxa haboon in laysla fahmo, Ereyda HABAR Iyo HOOYO iyaga oo isbarbardhig lagu samaynaayo markaa Labada Erey ee Hooyo iyo Habar Waa Laba Erey oo Afsoomaali Dhalad ah, oo aan inooga iman Afaf qalaad, Waa Laba erey oo aan Gaar u ahayn Lahjad, bulsho iyo deegaan, waana laba Erey oo mug iyo miisaan ku leh erey ahaan AfSoomaaliga, waana laba Erey oo aan kala dhicin oo Ruux mudan loogu yeedho, Dihashada Hooyo marka Laga Reebo, Labaduba waxay muujiyaan wax wada lahaansho iyo wax isku ahaansho, waana laba Erey oo Cudoon oo Qumman, dhanka facweynaanta labada erey ee Hooyo iyo Habar haddii dib loo raacdeeyo lama Kala caddayn Karo kii hor baxay, Maxaayeeley Waa laba erey oo facweyn oo isku macno ah, markaa Nin HABARI Dhashay hal maseegi waayee
Haddii aan eego xagga wax isku ahaanshaha Ereyga HABAR:-.
HABARTAY = HOOYADAY
HABAR-YARTAY = HOOYO WALAASHEED
HABAR-WADAAG ama ILMO-HABREED = UBADKA HOOYO WALAASHEED
Halkaa ereygii HABAR ayaa isku fuudsaday, oo lama odhan Karo, hooyaday, Hooyo-yaraday iyo hooyo-wadaag!, Dhanka kale wax wadalahaanshaha iyo aynu eegno Ereyga HOOYO:-.
Afkii HOOYO = AF Ummadi wada leedahay
Dhulkii HOOYO ama Ciiddii Hooyo, Dalkii Hooyo = Degel, Deegaan iyo Dal Qoomiyad leedahay, haddii se, halkan Ereyga HABAR Ku bedelno
Afkii HABAR iyo Dhulkii HABAR macno samaynmaayaan, Sikastaba ha ahaatee ereyga Habar sidduu ku Baxay oo sugan iyo halkuu Salka ku hayo ee uu kasoo bilcamay, isaga ma sheegi karo, se waxa markhaati madoonto ah inuu yahay Erey sharaf, maamuus iyo qadarin ay Ku dheehantay oo soojireen ah, waa Erey lagu yidhaahdo Ruuxa garaadka iyo Garashada wacan, oo waa Erey Milgo iyo mudnaan ah, Siddaasna Waxaan u idhi yaalaa marka Erey la asal Raacdaynaayo waxa la eegaa haduu Erey-raac leeyahay Erey-raaciisa, siddoo kale Ereyga wanaagiisa iyo Qaradiisa, waxa Laga daalacdaa erayga DHigiisa ah ee Lab ama dhedig, markaa Siddaan Ka dheehday Ereyga ODAY oo ah dhiga erayga Habar, waayo ADOOGAY oo ah Odaygay ama Odagay = Aabahay, halkaas waxa inooga muuqanaysa ereyga ODAY asal ahaantii in aan Da’ Gu’ tirsi waayeelnimo haba yaraatee wax lagu bartilmaamsado aanu ahaan jirin, waayo Aabo ama Adoo Da’ kuma xidhna, waxaana Caddayn kale ah Ereyga ODAY sidda AfSoomaaliga loogu adeegsado ee loogu yeedho ODAY Ruuxa Mudan ee Sharafta Leh ee Amaanta Mudan, oo Ereyga ODAY Mar waa Amaanta Amaan ugu Sareysa!, Waxaana caddayn u ah Ereyga ODAY inuu yahay Amaanta Amaan ugu Sareysa……………. lasoco qormada danbe.
Fuad Fartaag    17-12-20